Dahabshiil waa Astaan Caalamiya oo Siyaasad ka Madax-bannaan

Dahabshiil waa shirkad muddo dheer jirtay kana da’ wayn Somaliland, waxa la aasasay 1970, waa Shirkad soo martay maraaxil kala duwan iyada oo marba duruufaha caalamka ama Geeska Africa ka jira la jaan qaadaysa, dhan kale waa shirkadda qudha ee heer caalami ah ganacsade Somaliland ahi leeyahay.

Dahabshiil waa shirkad koobsatay adeegyo iyo laamo isku xidhan, oo wakiilladeeda iyo xafiisyadeedu si joogto oo xdhiidhsan u sii baahayaan. Waxa shirkadd ballaadhisay dhammaan goobaha lacag-bixinta iyo lacag dirista sida Afrika ,Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Aasiya. Maanta in ka badan 30000 oo goobood ayaa u adeega oo u furan macaamiisha shirkadda.

Muddadaa Dahabshiil jirtay waxay laf-dhabar u ahayd horumarka bulshada afka Somaliga ku hadasha, maaha oo qudha mid qayb ka ah horumarka iyo u adeegista dadyowga somalida ah lakin waa astaan kale oo u taagan Africa iyada oo dhul badan oo Somalidu dagin ka adeegta bulshadeedana wax ku celisa.

Dahabshiil waxay ahayd wakhtiyo umadda afka Somaliga ku hadashaayi kala baaday dagaalana kala irdheeyeen midka isku xidhaysay kooga taagta daran ee baahidu haysana ku xidhaysay ka jeebka dhaama ee dadkiisa ah, waa halka wax loo soo mariyo bulshaduna ku wada xidhiidho, Qoxoontigii dalkani dowladii Siyaad bare baday waxay ahayd Xawalaada kaliya ee bulshadeenu wax u soo marin jirtay dadyowgii ku tabaalaysnaa xeryihii qaxoontiga ee Ethiopia iyo Djibouti, iyada oo u heelanayd inay duruufahaa qalafsan ee bulshadeeda ku habsaday la tacaasho, way u heelanayd inay qof walba bartiisa ku gaadhsiiso wixii loo soo diro ama uu ka helo ehel iyo asxaabba.

Shirkaddu waa mid ganacsi xuduudaheeduna u wada furanyihiin Aduunka maaha shirkad gobal iyo mid Qabiilb, waa mid baahiyaha bulshada u wada taagan meel gaar ahna gacan ku lahayn, waa shirkad howl maalmeedkeedu u taaganyahay u adeegista macaamiisheeda waa mid ka dhowr soon wax kastoo xafiiltan siyaasadeed ah, Dahabshiil ganacsiyada kala duwan ee ay ku jirto uma taagna oo qudha inay macaash ka raadiso lakin waa hormoodka ka qayb qaata wixii horumar ah ee dalka iyo dadku u baahanyahay.

Dahabshiil iyo ka Qayb qaadashada Kaabayaasha dalka: Shirkaddu maaha oo qudha mid bulshada dheef ka gurata, ka xoogsata macaash qudhana ka kasbata, waa shirkad bulshada wax ku soo celisa waana shirkadda ugu wayn bulshada wax tarta kana qayb qaadata horumarka, Sida tacliinta oo door wayn ka qaadato iyada oo dugsiyada, jaamacadaha iyo koobaha kale qayb wayn ka qaadatay marwalbana u taagan, Goobaha cibaadada masaajidada iyo madaarista diiniga ah waxay u tahay astaan ka qayb qaadashadeeda, tartanka Quraanka iyo dhiiri galintiisa waa shirkaddii ugu horaysay ee daah furta.

Wadooyinka: Dhabshiil marka loo eego shirkadaha Ganacsiga maaha mid ula siman ka qayb qaadashada horumarka wadooyinka, shirkadani waxay dheertahay in iskeed wadooyin u fuliso, iyada oo si wayn ama gacanta ugu wayn uga qayb qaadata dhismaha, iyada oon qabiil iyo siyaasad midna u eegayn, mihimada ay ka leedahayna ay tahay horumarka dalka oo hagaaga inay shirkada lafteeda horumar u tahay.

Abaaraha: Dahabshiil waxay ku astaansanayd inay lacago aad u badan u qoondayso wixii aafo ah sida abaaraha iyo wixii la halmaala khaasatan Dabka iyo aafadiisa oo bulshadu wada dareemi karto inay tahay meesha qudha ee Somaliland loo Qayli doon dirto, ka qayb qaadashada aafada abaaraha waxay ka fulisaa dhamaan dhulyowga Somalidu dagto, waynu xusuusanaa abaarihii hore inay ku bixisay lacag ku dhow hal million oo dollar, waxay ku mutaysatay inay ahaato shirkadda ugu wayn dhanka xawilaadaha aduun intaa leeg ku bixisa waxayna ku noqotay shirkadda ugu wayn dhanka xawilaadaha ee Geeska ama Africa, waa shirkad si isku mid ah loo wada aaminay laguna amaanayo ka qayb qaadashada baahiyaha dadka iyo u adeegista bulshada.

Shirkadda Dahabshiil Iyo Siyaasad maxaa iska Khuseeya? Dahabshiil Astaanteedu waa nabad iyo Wada jirka umada, waxa ay ku ceeshto bulshadana uga mid tahay waa labadaa astamood, shirkaddu qayb kama aha horana ugamay mid noqon xafiiltanka siyaasadeed ee dalka ama guud ahaanba Somalida, waa shirkad ku mashquulsan u adeegista bulshada danaheedana ku kooban, waa shirkad marna aan lagu astaamayn Karin gobalaysi ama qabiilaysi, shirkadda sida ay macaamiisha u simantahay ayey adeega bulshadana ugu simantahay, waxa runtii aan meesha qaban kuna jirin in wax aan siyaasad galin la siyaasadeeyo ganacsiguna siyaasad maaha mid gala, maaha in bulshada xumaan loo tuso meel aan mudnayn in faraha lagu fiiqo, waxa mihim ah wixii siyaasad ku kooban in halkeeda lagu hayo lakin aan majaalista siyaasadda loo soo rarin xurmaha ganacsiga.

W/Q. Huseen Mahdi Hassan.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.