Ujeeddadooda Masuuliyiin isaga gudbay Xadka xidhan ee Somaliland iyo Jabuuti

Saylac(Aftahannews):- Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Jimcihii shalay u kicitimay waddanka Jabuuti, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Saylac xarunta gobolka Selel ee Somaliland, kuwaasoo shaaca ka qaaday in dawladda Turkigu ka taageeri doonto dhismaha Jid laamay ah oo deegaankaas laga hirgelin doono.

Weftiga-Wasiirka-Madaxtooyada

Weftigaas oo ka koobnaa saddex Wasiir oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa safarka ay shalay ku tegeen Jabuuti ku soo beegmay maalmo ka dib markii la xidhay xadka isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland oo dadweyno iyo gaadiid badani ku xanniban yihiin magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla xadka ay labada waddan wadaagaan, waxaana loo dheg-taagayaa waxa ay Wasiirradani ka qabtaan isu-socodka labada dal.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa bartiisa Facebook uu ku leeyahay waxa uu ku baahiyey warkan oo uu kaga hadlay qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin imashada Saylac ee maanta, waxaanu qoraalkaas uu Wasiirku Facebook ku baahiyey ku bilaaban sidan hoos ku qoran:-

Qoraalka uu wasiirku baahiyey ayaa u dhignaa sidan:- “Dawlada Turkey-gu waxay horay u ballan qaaday dhismaha Jidka Isku Xidha Jabouti – Zaylac” “Dawladeena Somaliland-na waxaan Abaabul uugu jirnaa hirgelinta JIdka isku Xidha Zaylac – Borama”

Waxay ahayd maanta abaaro 10:30 Subaxnimo kadib markaan socdaal dhulka ah kaga soo baxnay dalka Jabouti anagoo u soo jeedna Caasimadda Gobolka Selel ee Zaylac.  Ugu horayn waxaan soo gaadhnay magaalada Lawyacado oo ah magaalo saaran xadka aan la leenahay dalka aynu jaarna nahay ee Jabouti,  Waxaan indho-indhayn iyo kormeer ku soo marnay xafiisyada dawladeena Somaliland ee ka hawl gala degmada Lawyacado oo ay mid yihiin Xafiiska laanta Socdaalka “Immigration Office”, Saldhiga Degmada iyo guud ahaan xarumaha dawlada.. Ka dib waxaan halkaas ka sii wadnay safarkii aanu ugu jirnay magaalada Zaylac ee xarunta Gobolka Salel, ka hor intii aanu gaadhin degmada Zaylac waxaanu sii marnay tuulada caanka ku ah samaynta iyo soo saarka Milixda ee “Toqoshi”

Toqoshi waa goob ku caan ah soo saarka iyo dhoofinta Milixda isla markaana Alle ku manaystay il dhaqaale oo u baahan horumarin iyo ka faa’idaysi. Socdaal Saacado qaatay kadib waxaanu gaadhnay Magaalo Xeebeedka taariikhda dheer ee Zaylac.

 Wakhtigii aanu halkaas ku sugnayn ayaan kormeer iyo dardar gelin maamul ku samaynay xarumaha kala duwan ee dawladda isla markana kulamo la yeelanay masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo dhammaana waxaanu isla meel dhignay, kor u qaadida adeegga bulshada, adkaynta amaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka uu ka mid yahay Kaluunku. Kadib waxaan maamulka iyo shacabka kala hadalnay in loo baahan yahay in muruq iyo maalba la Iskugu geeyo sidii loo hirgelin lahaa jidka isku xidha Degmada Zaylac ee Xarunta Gobolka Salel iyo Degmada Borama ee Caasimada Gobolka Awdal.

Waxaa hubaal ah khayraad walba oo aan u baahanahay in aan ka faaidaysano in uu u baahan yahay jid la mariyo isla markana marwalba muftaaxa horumarku yahay Waddo” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxaanu intaasi ku daray “Sidoo kale waxaan abaabul iyo gogol xaadh ku soo samaynay jid aan balan qaadkiisa ka haysano dawladda Turkey-ga oo isku xidhi doonaa Zaylac iyo Dawladda aan jaarka nahay ee Jabouti, Safarkan aan maanta ku tegnay Degmada Zaylac ayaa noogu soo dhamaaday rejo fiican iyo abaabul xoogan.”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale sheegay “Guud ahaan Maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmada Zaylac ayaa si hufan u balan qaaday in ay horumarka dalka ka socda qaybtooda ka qaadan doonaan isla markaana abaabul xoogan ka geli doonaan sidii ay u hirgalin lahaayeen jidka isku xidha Zaylac iyo Borama…Wa Bilaahi Tawfiiq.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.