Tirada dadka ku dhintay Diyaarad Ukraine lahayd oo Fallaago Ruushka taageertaa ridday

Luhansk(Aftahannews):- Malleeshiyaad taageersan Ruushka, ayaa Bariga dalka Ukraine ku soo riday diyaar xamuul oo ay lahaayeen Milliteriga Ukraine, waxaana ku dhintay dhammaan 49 qof oo saarnaa diyaaraddaas.

Diyaaradaha Ukraine

Wasaaradda Difaaca ee Ukraine, ayaa sheegtay in diyaarad xamuul oo nooceedu yahay II-76 ay qaraxday ka dib markii lagu dhuftay Hubka nooca lidka diyaaradaha loo yaqaanno iyada oo maraysay magaalada Luhansk ee Bariga waddankaas.

War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in argagixisada aan daacada ahayn ay diyaaradaasi weerareen. Diyaaradu waxaa ay waday ciidamo iyo qalab ama agab millatari waxaana ay rabtay in ay ku dagto garoonka magaaladaasi.

Waxaa la aaminsan yahay in ay tahay dhacdadii ugu darnayn ee ciidamo intaas la eg ay hal mar ku waayaan ama kaga dhintaan dawladda Ukraine, tan iyo intii xukuumada Ukraine ay bilowday hawl galada ay isku dayayso inay ku sifayso kacdoonada bariga Ukraine.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.