Iran oo sheegtay inay dawladda Ciraaq ka caawinayso dagaalka Kooxaha Sunniga ah

Tahran(Aftahannews):- Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka caawiso Ciraaq dagaalka ay kula jirto Malayshiyaadka Suniyiinta ah.Madaxwaynaha Iiraan Xasan Rawxaani ayaa arrintaas sheegay, lakiin waxaa uu diiday in ay ciidamo u direen Ciraaq si ay uga mid noqdaan ama ugu dhex milmaan ciidanka dawladda.

Madaxwaynaha Iiraan Rowxaani

Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka caawiso Ciraaq dagaalka ay kula jirto Malayshiyaadka Suniyiinta ah.

Madaxwaynaha Iiraan Xasan Rawxaani ayaa arrintaas sheegay, lakiin waxaa uu diiday in ay ciidamo u direen Ciraaq si ay uga mid noqdaan ama ugu dhex milmaan ciidanka dawladda.

Malayshiyada isku magacawday Dawlada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam ama ISIS, ayaa qabsaday magaalooyinka Mosul iyo Tikrit waxayna kusii siqayaan magaalada caasimada ah ee Baqdaad.

Malayshiyaadkaasi Suniga ah dada Shiicada ah ee u badan Ciraaqwaxay u arkaan Gaalo.

Iiraan waxaa ay calaaqaad dhaw la leedahay maamulka Shiicada u badan ee Ciraaq oo xukunka qabsaday kadib marki xilka laga tuuray Madaxwayne Saddaam Xuseen. Xukuumadaas oo ay u badnaayeen Suniyiin.

ISIS waa urur islaami ah oo xag jir ah kaas oo awood yeeshay intii ay Ciraaq haysteen ciidammadii ay hogaaminayeen Maraykanku waana mid kamid ah malayshiyaadka Islaamiga ah ee la dagaalamaya xukuumada Suuriya ee Bashaal al-Asad uu hogaamiyo oo ay daris yihiin Ciraaq.

Xigasho BBCSomali.com.