Muqdisho: Khasaaraha ka dhashay Dab shuf-tiray Geerash Baabaabuurta iyo Shidaalka lagu iibiyo

Muqdisho(Aftahannews):- Dhar qof ayaa ku dhaawacmay, isla markaana khasaare badan dhaliyey oo maaliyadeed ayaa ka dhashay Dab xoog leh oo maanta ka kacay Geerash weyn oo lagu iibiyo gaadiidka ganacsiga loo keeno magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, halkaasoo sidoo kale lagu iibin jiray Shidaalka, waxaana halkaas ku baabba’ay Baabuur fara badan iyo dhismayaal kala duwan.

Dabkan oo illaa iyo hadda aan la ogeyn wuxuu ka dhashay, ayaa wuxuu gubay Boqollaal Gaadiid ah oo ganacsi ahaan dhawaan looga keenay dalka dibeddiisa, iyadoo sidoo kalena ay ku gubteen fuustooyin Shidaal uu ku jiray iyo dhismayaal.

“Lama oga wuxuu Dabkan ka dhashay, balse khasaare xoog leh ayuu geystay, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay, runtiina tani waa musiibo xoog leh.” Sidaa waxa yidhi Ganacsade lahaa Dukaan Geerashka ku dhagganaa oo isagana Dabku gubay.

Ganacsadaha ayaa sheegay in Dukaammada intooda badan laga saaray wixii Alaab ah ee ku jiray, isagoo intaas ku daray in Dukaammada oo dhan lagu iibin jiray qalabka dayactirka Baabuurta (Spare Parts).

Halka uu dabku ka kacay, ayay Weriyeyaashii goobtaa gaadhay waxay sheegeen inay arkeen Gaadiid fara badan oo gubtay, Foostooyin Shidaal ku jiray oo qarxay iyo Dukaammo uu dabku gubay, isla markaana dhismayaashoodii burbur badan gaadhsiiyey.

Dhismayaasha gubtay ayaa waxaa ka mid ahaa Maqaayad weyn oo cuntada laga cuno, taasoo lagu magacaabo Fatxi, waxaana goobta ku sugnaa markii ay Weriyeyaashu booqdeen gaadiidka Dam-demis ah oo ay kala lahaayeen Ciidammada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, Maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo ay lahaayeen Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ku sugan.

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo goobta gaadhay, ayaa sheegay in dabku khasaare ba’an geystay, waxaanu ganacsatadii hantida lahaa Allaah uga bar-yay inuu beddel khayr qaba siiyo.

Gaadiidka gargaarka deg-degga ah ee loo yaqaan Ambulance-yada, ayaa ku sugnaa goobta, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada dadkii waxyeelladu ay ka soo gaadhay Dabkaas, kuwaasoo u badnaa ganacsato isku dayayay inay hantidooda ka badbaadsadaan Dabka qabsaday.

Inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dabka la damiyo, ayaa wuxuu si ba’an ku waxyeelleeyay dhul ballaadhan oo ay ku yaalleen Geerashka, dhowr Dukaan iyo Maqaaxida.

Dhismayaasha gubtay, ayaa waxay ku yaalleen Beertii lagu nasan jiray ee isgoyska KM-4, halkaasoo markii uu dalku burburka galay la iska dhistay; iyadoo dabkani uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho.