Tirada Meydad iyo Dhaawac la soo gaadhsiiyey Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka

Laascaanood(Aftahannews):- Ugu yaraan Meydadka Sagaal qof iyo dhaawaca shan ruux, ayaa xalay saqdii dhexe la soo gaadhsiiyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasoo siddeed dhimasho ah iyo shan dhaawac ahi ka tirsanaayeen Ciidanka Qaranka Somaliland oo gelinkii dambe ee shalay dagaal la isula-gabbal-dhacsaday ku dhex-maray Malleeshiyo taageerta Maamulka la baxay Khaatumo, kaasoo ka dhacay duleedka Saax-dheer oo ka tirsan Sool, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dad tegay Cusbitaalka magaaladaas oo Meydadka la keenay.

bth_Breaking-News

Dad goob-joog u noqday Meydadka xalay la soo gaadhsiiyey Laascaanood ee Aftahannews u sheegay in Meydadka sagaalka ah ee la keenay Laascaanood xalay siddeed ahaayeen Askar dagaalka kaga dhintay Ciidanka Qaranka Somaliland, halka Meydka Sagaalaadna uu ka dhintay Malleeshiyada Khaatumo, , kaasoo wararku u xaqiijiyeen Aftahannews inay Ciidanku qabteen isaga oo dhaawac ah oo uu dhaawac-dhintay.

Ila-wareedyo kale oo Aftahannews helay ayaa sheegaya in Meydadka dhinaca Malleeshiyada Khaatumo oo lagu sheegay illaa labaataneeyo in la lix ka mid ah loo qaaday dhinaca magaalada Buuhoodle, si halkaas loogu aaso, halka Meydad kalena la sheegay in xalay ahaan loo qaaday deegaanada dhinaca Puntland, ka dib markii lagu war-helay inay Ciidanka Somaliland qorshaynayaan kala gedoominta isu-socodka Buuhoodle iyo Saax-dheer oo dusheeda dagaalku ka dhacay oo la isugu gabbal-dhacsaday Jimcihii.

Dagaalka, ayaa dhacay gelinkii dambe ee Jimcihii shalay, ka dib markii ay Malleeshiyada Khaatumo Jid-gooyo u galeen Ciidanka Millateriga Somaliland oo la sheegay inay ku sii jeedeen dhinaca magaalada Saax-dheer oo ay joogeen Siyaasiyiinta Maamulka Khaatumo oo uu hoggaaminayey Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.

Inkasta oo aannu la xidhiidhnay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, haddana waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin naga siiyaan sida wax u dhaceen, hase-yeeshee, warar madax-bannaan oo Aftahannews ka helay deegaankaas, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland laga gubay hal gaadhi oo kuwa tiknikada ah, iyaguna ay baabuur gubeen, halka ay laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah iyo gaadhi laangaruusal ahna ka qabsadeen Kooxda Khaatumo.

Labada dhinacba waxa lagu soo warramayaa inay dhimasho iyo dhaawac inta aannu xogta ku hayno ka badnaan karaa jiro, hase-yeeshee, illaa hadda tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay labada dhinac midna si rasmi ah uma shaacin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Berbera/Somaliland.