Puntland oo sheegtay inay ka rejo-dhigtay sheegashada dhulka Somaliland ee Sool iyo Sanaag

Garoowe(Aftahannews):- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday caqabadaha ka hortaagan qabsashada iyo ka talinta gobollada ka tirsan dalka Somaliland ee Sanaag-bari, Sool iyo Cayn, isla markaana waxay sheegtay inay ku fashilantay wax ka qabashada dhulkaas oo ay hadda u muuqato inay ka rejo-dhigtay hammiga ay ka lahayd sheegashadiisa.

madaxtooyo

Dhawaaqan ka soo yeedhay Maamul-goboleedka Cabdiwali Gaas, ayaa yimi ka dib markii ay Ciidanka Qaranka Somaliland si buuxda Khamiistii ugala wareegeen gacan-ku-haynta degmada Taleex ee gobolka Sool, isla markaana Jimcihii dagaallo qadhaadhi ku dhex-mareen deegaannada Saax-dheer iyo Tuulada Kurcad Ciidammada Somaliland iyo Malleeshiyoon kala taabacsan Maamullada labaxay Khaatumo iyo Puntland.

Dagaalladaas ayaa sababay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira iyo gaadiidba isugu jira oo dhinac kasta gaadhay, inkasta oo ay wararkuk sheegayaan inay Ciidanka Qaranku Malleeshiyooyinkaas dhirbaaxooyin kulul ku dhufteen.

Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan oo maanta dagaalladaas iyo deegaannada ay Somaliland la wareegtay ee Taleex uga warramay Radio Daljir, ayaa sheegay inay jiraan caqabado ku qasbaya Puntland inaanay Ciidammo geyn gobollada ku yaalla xadduudka gaar ahaanna Sool iyo Sanaag oo ka tirsan dhulka Somaliland, balse ay Puntland indha-la’aan iyo isir-daaroodnimo ku sheegato.

“‘Waxaa jira in dadka deegaanka ee gobollada Sanaag iyo Sool iyagu caqabad Soomaaliland ka horreysa noqdeen oo laf-dhuungashey ah, xaduudka in la difaaco oo cadowga laga saaro iyagaa caqabad ku ah Ciidan iyo hub bey ku heystan meesha oo haddaan aadno way nala dagaallamayaan, annaguna in dadka reer Puntland dagaallaman oo ay dagaal isala horyimaaddaan dooni-meyno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Amniga Maamul-goboleedka Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan.

Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u muuqda inuu hadda sheegashada Sool, Sanaag iyo Cayn nafla-caari ka yahay oo uu ka qancay, ka dib markii ay dadka deegaannadaas oo ay ugu baaqi jireen inay isir-daaroodnimo ku raacaan intooda badani dantooda garteen, isla markaana ka hor-jeesteen badi gacan-haadiska Puntland uga imanayey oo ay si cad u sheegeen inay Somaliland yihiin, dalkooda iyo dadkooda cidda ugu timaaddana iska difaacayaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.