Holland oo 4 sano oo ciil ah ka dib si bilaa Naxariis ah uga Aarsatay Spain

Aftahan Sports:- Xulka Qaranka Holland ayaa ka aar gutay dhigooda Spain dibna u xasuustay ciyaartii Finalka Koobka aduunka ee 2010, kuna xasuuqay Spain 5-1 , ciyaartii mucjisada ahayd ee xallay ka dhacday garoonka Arena Fonte Nova ee magaalada Salvador wadanka Brazil.

Spain's midfielder Xabi Alonso (L) shoot

holland oo xasuuqday

Xidigaha Robben iyo Van Persie ayaa siday doonaan ugu galgashay laacibiintii difaacanayay koobka aduunka ee Spain , oo waayay cid u soo gurmata oo kaga guntata Robben habeenkii xallay ahaa.

holland ooholland oo dhul

Holland  ayaa siday doonto ugu ciyaartay kubadana u maamulatay , Spain oo itaalkeeduba ku ekaa goolkii rigoodhaha ahaa ee ay bilowgii ciyaarta uu u dhalliyey Alonso, kaas oo laga raacay looguna bedelay 5 gool iyo lama aragtay.

Van Persie ayaa gool aad u qurux badan oo uu u duulay sida diyaarada ku bareejeeyey goolkii madiga ahaa ee ay Spain hogaanka ku qabatay, qaybtii hore ee ciyaartana sidaas ayaa lagu kala nastay.

holland oo sidayLaakiin markii la isku soo nastay ,  Spain meesha waa laga waayay , kubadna wey isu dhiibi kari weyday , ciyaartiina waxaa maamulkeedii la wareegay xidigaha xallay damaashaadayay ee Holland oo siday doonaan u gallay kooxda tababare Del Bosque.

Arjen Robben oo laba gool ka dhaliyey iyo Robin van Persie oo saddex  shabaqa dhigay , ayaa waxa shank u noqonayay kii Stefan de Vrij

holland oo siholland oo kuSpain loogama fadhiyin in sidaas loo gallo , hadana xallay waxay la soo shir tagtay Ayaan jirin , waxaana la gudboon inay sidan wax badan ka soo bedesho , si ay boos uga hesho oo uga mid noqoto , kooxaha ka soo baxaya Group B oo ay Holland ka sokow kula jiraan Australia iyo Chile.

holland oo ku durholland oo ku dhollandholland iyo spainXigasho Cadalool.com