Dagaal la isu-gabbal-dhacsaday oo ka dhacay Gobolka Sool iyo is-abaabul xooggan oo socda

Saax-dheer(Aftahannews):- Dagaal la isla gabbal-dhacday oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa meel lagu magacaabo Geel-boob oo ku taalla duleedka Waqooyi-Bari ee deegaanka Saax-dheer oo ka tirsan gobolka Sool, kaasoo dhex-maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaadka Maamulka Khaatumo.

Dagaalka, ayaa dhacay gelinkii dambe ee Jimcihii (maanta), ka dib markii ay Malleeshiyada Khaatumo Jid-gooyo u galeen Ciidanka Millateriga Somaliland oo la sheegay inay ku sii jeedeen dhinaca magaalada Saax-dheer oo ay joogeen Siyaasiyiinta Maamulka Khaatumo oo uu hoggaaminayey Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.

Inkasta oo aannu la xidhiidhnay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, haddana waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin naga siiyaan sida wax u dhaceen, hase-yeeshee, warar madax-bannaan oo Aftahannews ka helay deegaankaas, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland laga gubay hal gaadhi oo kuwa tiknikada ah, iyaguna ay baabuur gubeen, halka ay laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah iyo gaadhi laangaruusal ahna ka qabsadeen Kooxda Khaatumo.

Labada dhinacba waxa lagu soo warramayaa inay dhimasho iyo dhaawac badani jiraan, hase-yeeshee, illaa hadda tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay lama soo sheegin. Balse sida ay wararku sheegayaan ma yara khasaaruhu dhinacna.

Ciidammada Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa inaanay ka noqon oo ay u hoyden halkii dagaalku ka dhacay oo la iskula gabbal-dhacday, halkaas oo ah Geel-boob deegaan lagu sheegay, waxaanay wararka Aftahannews jiiddaa dagaalka ee gobolka Sool ka helayaa sheegayaan in labada dhinac caawaba bilaabeen is-abaabul iyo Ciidan biirsi, isla markaana waxa aad looga werwer qabaa in subaxnimada Sabtida la isku waabberiisto oo halkaas mar kale dagaal ku dhex-maro labada dhinac.

Wixii warar ah ee ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas Aftahannews kala soco, hadba sidaannu xog xaqiiq ah uga helno ayaannu ugu soo gudbin doonnaa Akhristayaashayada haddii Allaah raalli ka noqdo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.