Xildhibaan Indha-indho oo u duceeyey Hoggaamiyeyaasha Khaatumo iyo Galaydh

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inuu u ducaynayo Siyaasiyiinta uu hoggaaminayey Cali Khaliif Galaydh oo subaxnimadii Khamiista ka kolonyaystay magaalada Taleex oo maalmihii ugu dambeeyey Shir uga socday, ka dib markii ay Taleex gacan-ku-haynteeda la wareegeen Ciidanka Qaranka Somaliland.

IMG_0022

Xildhibaan Indha-indho oo ka mid ahaa Masuuliyiin ka soo jeeda gobollada Bariga ee Golayaasha dawladda Somaliland ka tirsan oo Jimcihii (maanta) shir Jaraa’id oo ay kaga hadleen xaaladda Taleex ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in nimankaas siyaasiyiinta ah ee iskaga yaacay magaalada Taleex ee gobolka Sool uu u ducaynayo, isla markaana farayo inaanay mar dambe ku soo noqon magaaladaas.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka hadalka Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho ka jeediyey Shirkaas Jaraa’id.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.