Somaliland oo faro-gelin ku eedaysay Baarlamaanka dalka Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku eedaysay inuu faro-gelin qaawan oo siyaasadeed ka wadaan gudaha dalkeeda, isla markaana ay dawladda fededaaraalka ahi kolba Somaliland u soo dirto xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo kuwo xilal kale haya si ay u carqaladeeyaan degganaanshaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya fero-gelin ka wado Somaliland, waxaanu ugu baaqay in la joojiyo, si guul looga gaadho wadahadalka u dhexeeya labada dhinac. Waxaanu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo xubno uu ka mid yahay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA AXMED XAAJI CALI CADAMI

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Shirka Jaraa’id ee Wasiir Cadami.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.