Xildhibaan Sheegay in Awoowgii sameeyey Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Awoowgii Koore uu ahaa ninkii boqol iyo soddon sano ka hor jeexay Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana uu 130 sano ka hor Dhulbahante ka tashaday Soomaaliya iyo Somaliland dhinaca dantoodu ku jirto.

XILDHIBAAN SALEEBAAN CALI KOORE 12

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa Xubno ka soo jeeda gobolka Sool oo Wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jira oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in danta Dhulbahante ku jirto wax la lahaanshaha Somaliland, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta Ciidammada Qaranka Somaliland u tageen degmada Taleex ee gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyey shir uga socday kooxda la baxday Khaatumo, balse ay halkaas ka yaaceen markii ay Ciidanka Millateriga Somaliland gaadheen halkaas Subaxnimadii Khamiista ee shalay.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo uu kaga hadlay waxa ay Somaliland u waddo deegaannadaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.