Shalay Cod la Duubay ayaa lagu dirayay, Maantana Hawadaa la isu soo marinayaa!

Qalinka: Xasan Axmed Abokor (Xasan-Sonkor) – Ganacsiyada qaarkood baa qofka leh uun aan faa’iido u lahayn ee qofka macmiilka ah ee waxii uu u baahnaa ka helayna ay faa’iido u tahay. Marka macmiilku helo wax aan deegaankaas uu joogo lagu hayn ama aan suuragal ahayn in la helo, Ganacsadaha keenaa lacagta iyo faa’iidada ka sakow, waxa uu dadka ka helayaa duco iyo abaal.

XASAN SONKOR

Waxaynu halkan ku falaqayn doonaa ganacsade waqtiyo adag bulshadeena la soo  dedaalay, duruufo adag oo ay ku jireena kala soo dabaashay.

Shirkaddani waxay dadka qurbaha jooga ee lacagta soo dira codkooda kaga soo duubi jirtay cajalad, kuwa ay u soo dirayaana codkooda ayay kaga duubi jireen cajalad in lacagtii soo gaadhay, Tusaale ahaan: Qof magaalada Jiddah ee Sacuudiga jooga ayaa boqol doolar u diraya walaalkiiya oo qaxoontigii itoobiya joogay ka tirsan, waxa qofkaas laga soo duubi jiray ‘Anigoo hebel hebel ah waxaan kuu soo diray boqol doolar oo aan kuugu soo dhiibay Maxamed’  marka uu soo gaadhsiiyo lacagtii qofkii joogay qaxoontiga waxa isna la dhegaysiinayaa fariinta codka ahayd ee laga soo duubay walaalkiisii Sacuudiga joogay iyadoo isagana laga duubaya xaqiijinta in lacagtii uu helay oo ah ‘anigoo hebel hebel ah waxa maxamed ii keenay lacagtii aad walaal ii soo dirtay oo dhan boqol doolar’.

Waxay ahayd baynu odhan karnaa xirfad aad u horumarsan marka aad garab dhigto waqtiga lagu jiray iyo duruufaha jiray. Waxaanay ahayd talaabo uu maxamed kaga qayb qaatay gurmadkii dadka qaxoontiga ahaa u baahnaayeen, waayo waxa markhaati ah inta qof ee iyagoon dab shidan lacag uu la soo baafiyay xeradii qaxoontiga ugu keenay Maxamed. Ducadoodiina waa ta uu ku helay horumarka iyo hantida uu maanta haysto.

Talaabadii taas xigtay waxay ahayd in shirkaddu dad wakiilo ah ka samaysatay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka iyo wakiilo qurabaha ah, kuwaas dalalka dibadda ka ha oo kuwa dalka gudihiisa ah telefoon ugu soo sheegayay in ay qofka hebel la yidhaa lacag u soo diray qofka hebel la yidhaa ee meel heblaayo degan, ka dibna wakiilka dalka gudihiisa ayaa baafin jiray qofka lacagtaas loo soo diray oo marka lacagta uu gaadhsiiyo ka soo saxeexi jiray in lacagtaasi soo gaadhay.

Waxa iyana waqtiyadii u danbeeyay shirkaddu la talaabsaday dunida casriga ahi horumarka ay gaadhay ee isticmaalka internetka amaba online-ka oo marka imika lacagta lagaaga soo diro maraykan isla daqiiqadiiba xarunta dahabshiil ee kuugu dhow  aad ka helayso lacagtii laguu soo diray.

Maanta waxa shirkadda Dahabshiil daaha ka faydaysaa oo la filayaa in dhawaan si rasmiya loo wada isticmaalo habka ugu casrisan dunidan ee isku diriska lacagta oo ah in moobilka la iskuugu xawilo loona bixinay E-DAHAB, iyadoo qofka dunida halka ugu shishaysa joogaa isagoo gurigiisa dhex jiifa kuugu soo xawilayo waxa lacag uu kuu soo dirayo moobilkaaga adigoo isticmaalaya kaadhka Somtel.

E-DAHAB waxa uu kaga kalsooni badan yahay hababka kale ee moobilka lacagta lagu isticmaalo;

  • In  marka aad lacagta ku shubanayso moobilkaaga aad tegayso xarumaha dahabshiil amaba Somtel E-Dahab oo lagu siinayo waraaq tilmaamysa in lacagtaas laguugu shubay moobilkaaga oo shaambadaysan,
  • In  Account-ka aad ku leedahay  Dahabshiil kuugu xidhmayo lacagta kuugu jirta moobilkaaga.
  • In shirkaddaha Dahabshiil iyo Somtel  ay damiin kaaga yihiin hantidaada ku jirta moobilkaaga.

Gebogebadii waxaynu arkaynaa in Dahabshiil E-Dahabka uu maanta inoo sameeyay  ka soo bilaabay E- Cod La duubaygii qaxoontiga uu inaga dhex baafin jiray, waxaana hubaal ah inuu waqtiyo adag inala soo dedaalay oo uu abaal ku leeyahay dadka iyo dalkaba oo ta kaliya ee aynu abaalkiisa ku gudi karnaa ay tahay in aynu wada isticmaalo habka isku dirista lacagta E-DAHAB,inagoo adeegsanayna kaadhka Somtel. Waxaanad ogaataan in tartankuna uu dan u yahay danyarta.

Xasan Axmed Abokor (Xasan-Sonkor)

+252 2 905 8949

+252 63- 4422309

Hargeysa/Somaliland.