Wefti Somaliland ka socda oo Socdaal shaqo ugu baxay waddanka Jabuuti

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo socdaal shaqo ku tegaya magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hoggaaminaya Weftigaas, ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Warbaahinta faahfaahin kooban ka siiyey ujeeddada socdaalkooda ay ku tegayaan waddanka Jabuuti, isagoo ay safarkaas ku weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Dib-u-dejinta Somaliland.

Haddaad daawasho rabtana halkan hoose ka daawo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.