Cali-Sandulle oo sheegay in Ciidanka Qaranku heshiisiiyey Beelo isku hayey Taleex

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiiru-dawlaha nabadaynta gobollada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), ayaa sheegay inaanay Ciidammada Qaranka Somaliland ee gaadhay Taleex shalay wax dhibaato ah ka wadin halkaas, ee ay u tageen dadkoodii iyo dalkoodii, isla markaana ay heshiisiiyeen laba beelood oo uu sheegay in Kooxo Siyaasiyiin ah oo dalka dibeddiisa ka yimaaddaa fidmo ka dhex abuureen.

IMG_0002

Wasiiru-dawle Cali-Sandulle, waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaasoo uu ku faahfaahiyey ujeeddada ay Ciidammadu halkaas u tageen.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Wasiiru-dawlaha nabadaynta gobollada Bariga Soamaliland Cali Sandulle.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.