Somaliland oo sheegtay inay Shir la bilawday Odayaasha Taleex iyo Puntland oo hawlgal argagixiso ku tilmaantay

Taleex(Aftahannews):- Somaliland, ayaa sheegtay in Ciidammada Qaranka ee maanta la wareegay gacan-ku-haynta degmada Taleex ee gobolka Sool iyo Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka deegaankaas uu shir uga bilaabmay isla Taleex oo ay ka firxadeen Siyaasiyiinta la baxay Khaatumo oo uu hormuud u ahaa Cali Khaliif Galaydh oo halkaas dhawr cisho shir uga socday.

ciidan

Somaliland waxay sheegtay inaanay wax shir ah ku arag Taleex markii ay halkaas gaadheen, isla markaana cidda keliya ee wakhtigan shir uga socdo Taleex ay yihiin Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Odayaasha iyo Wax-garadka Degmada, sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Qaranka Cismaan Cabdillaahi Siciid (Cismaan-dheere) u warramay Warbaahinta qaarkeed.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Afhayeenka Ciidanka Millateriga Somaliland Cismaan-dheere uu kaga hadlay qaabka ay u tageen Ciidanku Taleex, sida loo qaabbilay iyo shirka u bilaabmay iyaga iyo dadka deegaankaas.

 

Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Somaliland kula muransan lahaanshaha degmada Taleex iyo deegaanno kale, ayaa cambaareeyey tallaabada ay Ciidanka Qaranka Somaliland halkaas ku tageen. Waxaana War ka soo saaray Golaha Wasiirrada Maamulka Garoowe oo ka shiray arrintaas oo la sheegayo inay werwer hor leh ku abuurtay Maamulka Cabdiwali Gaas.

AFHAYEENKA MAAMUL-GOBOLEEDKA PUNTLAND111

Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Maamulka Gaas, waxaa shirkaasi markii uu dhammaaday Warbaahinta u akhriyey Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Garoowe Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Qur’aan-jecel), waxaanay xad-gudub iyo gardarro ku tilmaameen Maamulka Puntland inay Somaliland la wareegto degmo dalkeeda ka mid ah (Taleex), oo ay ku doodayaan inay ka mid tahay dhulka Maamulkooda.

War-Murtiyeed ay Shirkoodaas ka soo saareen Golaha Wasiirrada Puntland oo ka kooban shan qodob, waxa markii uu shirkaasi dhammaaday Saxaafadda u akhriyey Afhayeenka Xukuumadda Maamulka Puntland Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Qur’aan-jecel), waxaanu Warkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews u qornaa sida-tan:-

 “1- Waxay dawladda Puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka Soomaaliland uu duullaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka Taleex iyo Xingalool oo ka tirsan dhulka Puntland. 2- Duulaankaas gar-darrada ah wuxuu sababay Barakac baahsan oo ka socda deegaannadaas.

3- Dawladda Puntland waxay mar kale u caddeynaysaa ummadda Soomaaliyed, dawladaha deriska ah , iyo beesha caalamka in Maamulka Soomaaliland mar kasta oo ay duullaan kusoo qaadaan dhulka Puntland ay weheliyaan howgalo ay ku taageerayaan Ururka Al-Shabaab ee argagixisada ah si ay uga fuliyaan gudaha Puntland falal argagiso.

4- Ugu danbeyn dawladda Puntland waxay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.

5- Waxa kale oo ay dawladda Puntland u direysaa baaq nabadgalyo iyo in la joojiyo colaadaha ku soo noqnodey gobolka Shabeelada hoose iyo kuwo ka soo cusboonaadey gobolka galguduud in lagu dhammeeyo colaadahaas wadohadal.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Maamulka Garoowe.

Puntland iyo Somaliland ayaa marar hore ku dagaallamay deegaanno ku yaalla gudaha dalka Somaliland oo ay ku sheegato Isir ahaan in dadka ku dhaqani yihiin dad ay isku hayb-yihiin dadka Puntland (Isku Daarood), sidaa awgeedna ay yihiin deegaannada gobollada Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle deegaanno ka tirsan Puntland.

Hase-yeeshee, Somaliland-na ay ku dooddaa in Xadka ay wadaagaan Puntland iyo Somaliland yahay Xadkii kala qaybinayey dalkii Boqortooyada Ingiriisku ka telin jiray dhawr iyo siddeetanka Sano oo Somaliland ah iyo dalkii uu gumaysan jiray Talyaanigu oo Soomaaliya oo ay Puntland ka tirsan tahay ah, Xadkaasoo ka shisheeya Taleex oo ay 15-kii bishii hore April sidan oo kale u gaadheen Ciidanka Somaliland, inkasta oo ay maalin iyo habeen ka dib dib uga soo ruqaansadeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.