Muuse Biixi oo ka hadlay Shirka Beesha Arab uga socda Balli-gubadle

GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Hargeysa (AFN)- Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Shirka Beesha Arab uga furmay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, kaasoo muddaba qaban-qaabadiisu socotay oo maalintiisii saddexaad maanta galay.

muuse biixi

Waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka hoggaamiye ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, sheegay inuu bogaadin iyo hambalyo u dirayo Shirka AFGARAD 3 ee ka socda degmada Baligubadle ee Beesha Arab. Waxaanu Beeshaas u rejayeeyey in go’aammo anfac iyo wax-tar u leh dalka iyo dadka ka soo baxaan Shirkoodaas.

Sidaa waxa uu ku sheegay Muuse Biixi War-Saxaafadeed kooban oo uu caawa soo saaray, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Kooban oo xambaarsan Hambalyada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa u qornaa sidan, “Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa shirka afgarad saddex ee ka qabsoobay magaalada balay gubadle ee xarunta gobolka hawd waxaan rajaynayaa inuu ku dhamaado bashbash iyo barwaaqo waxaan kaloon u rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan go,aamo anfaca diinta , dalka iyo dadkaba.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somalialnd.