Guddida Dhismaha Jidka Dawga-cad Oo Deeq Lacageed la soo gaadhsiiyey iyo Baaq ay Direen

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa ka mahad-celiyey lacago qaar ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee qurbuhu ugu soo tabaruceen dhismaha Jidkaasi, waxayna sheegeen in lacagtaasi ay geli doonto halkii loogu talo-galay.

GUDDIGA DHISMAHA JIDKA DAWGA CAD

Shir jaraa’id oo ay guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ku qabteen huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayay ku faahfaahiyeen lacagaha loogu soo tabarucay dhismaha jidkaasi.

Guddoomiyaha guddidaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in dadka lacagaha u soo diray ay kala yihiin sidan:-

  1. Xuseen Faarax Warsame, wuxuu noo soo diray $ 100
  2. Axmed Yuusuf Siciid, wuxuu noo soo diray $ 200
  3. Faadumo Sheekh Maxamed, waxay noo soo diray $ 142
  4. Faadumo Kabadhe (Oo geeriyootay) dahabkeedii oo la iibiyey ayaa laga soo diray $ 800.
  5. Amaal Maxamuud Axmed, oo joogta Riyaad, waxay soo dirtay $ 4010
  6. Hay’adda EAD, intooda Bristol (UK) joogta, waxay soo direen $ 3050 oo ka dhinnaa xisaabihii hore.

Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxa uu Alle uga baryey dadkaasi inuu khayr ugu bedallo tabarucaadkaasi “Dhammaantood ILAAHAY xasanaad ha ugu bedallo” ayuu yidhi.

 

Ugaas Cabdillaahi Cabdi, oo isna ka mid ah Xubnaha guddida ayaa yidhi “Dadkaa inoo soo diray Tabarucaadka, wax dhintay iyo wax noolba ILAAHAY halkay ka soo saaraan khayr ugu bedallo, inta dhimatayna Alle ha u naxariisto.

Waxaynu gelaynaa bishii Ramadaan, qof kasta oo Sako bixinaya waxaanu waydiisanaynaa in mashruucaasi yahay halkii ugu khayrka badnayd ee ay gashan lahayd (dhismaha jidka Dawga-cad), dadkuna sakada haku soo dedaalaan oo ha soo bixiyaan…”

Ugaasku wuxuu intaasi ku daray “Anigu waanigii ka imid waqooyiga Ameerika, hawl weyn-baanu ka gelnay oo aadbaa loo dedaalay, Kanada ha u badnaatee lacagta aan ku ogaa ee la ururiyey ee aan kaga imid ee gacanta lagu hayey waxay ahayd ilaa $ 60.000 doollar, ballantayaduna waxay ahayd inay bisha Ramadaan ka soo horeyso, waxaanuna filaynaa inay inoo timaado dhawaan, dadka hawshaa gelay ee aadka ugu dedaalayna waan u mahad-naqayaa siiba dumarka, waxayna sameeyeen urur ay leeyihiin oo aan hawshaa joojinayn, lacagtaa marka saddex loo qaybiyo laba dumarkaa bixiyay..”ayuu yidhi.

Eng. Axmed Warsame Siciid, ayaa isaguna sheegay “Wixii noo soo diray Tabarucaad iyo wixii gacan ka geystay dhismaha jidka dawga-cad aad iyo aadbay u mahadsan yihiin, waanuna filaynaa inaad intaa iyo in ka badanba aad ugu tabaruci doontaan Mashruucan khayriga ah”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland, Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyay muwaadiniinta lacagaha ugu tabarucay inuu Alle halkii ay ka soo saareen ugu bedallo wax ka khayr badan.

Guud ahaan lacagta guddida la soo gaadhsiiyey ayaa dhan (8 Kun, 3 boqol, Laba dollar iyo 85 cent).

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.