“Waanu raadinaynaa kuwa Somaliland ka Gaaloobay ee ka baxsaday Taleex ..” Gaashaanle Daba-gale

Taleex(Aftahannews):- Taliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Saqadhi oo ku magac-dheer (Dabo-gale), ayaa sheegay inay raadinayaan halka ay u fakadeen Siyaasiyiin Shir degmada Taleex ee gobolka Sool ka waday shir ay ku dhisayeen Maamul ka dhan ah Somaliland oo uu ula jeeday Maamulka la baxay Khaatumo State ee uu qabqablaha ka yahay Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh, Siyaasiyiin uu horkacayey iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka Taleex ee taageera Maamulka Sheegta Khaatumo oo maalmihii ugu dambeeyey shir uga socday Taleex, ayaa la sheegay inay salaaddii hore ee saaka isaga baxeen Taleex markii ay ka war-heleen in Ciidanka Millateriga Somaliland ku soo fool-leeyihiin magaaladaas, kuwaasoo la sheegay inay dhinaca Koonfur-Bari uga baxeen halkaas.

Inkasta oo uu Taliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Gaashaanle Daba-gale sheegay inay baadi-goobayaan xubnahaas oo uu sheegay inay ka Gaaloobeen Qaranka Somaliland sida uu hadalka u dhigay. haddana weli rasmi looma shaacin meesha ay hadda ku sugan yihiin Cali Khaliif iyo Siyaasiyiinta Khaatumo ee shirku uga socday magaaladaas dhawrkii cisho ee la soo dhaafay.

Haddaba, Halkan hoose ka daawo qaabkii ay Ciidanku u tegeen Taleex iyo waraysiga Taliyaha hawl-gelinta Ciidanka Qaranka lagala yeeshay tegitaankooda Taleex oo ay 15-kii bishii hore gaadheen, balse ay dib uga soo laabteen. Halkan hoose guji oo daawo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.