Somaliland: Xildhibaan si adag uga hadlay Xasuuq uu sheegay inuu ka socdo Soomaaliya

“Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay intaad ku mashquulsan tahay gudahaaga iyo Xisbigaaga Indhaha fur, geeska eeg waxa ka socda….”

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay dagaallada toddobaadkan dhammaadka ah joogtada uga socday deegaannada gobolka Jubbada hoose ee dalka Soomaaliya, waxaanu si kulul u cambaareeyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladda uu hoggaamiyo oo uu sheegay inay dhinac ka noqotay xasuus uu tilmaamay inay Beesha Madaxweyne Xasan Sheekh ku hayso Beesha Biyo-maal oo uu sheegay inay si gaar ah walaalo u yihiin.

XILDHIBAAN SICIID CILMI ROOBLE 2

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay inuu Beesha caalamka, Urur-goboleedka IGAD iyo Ururka Midawga Yurub inay ka hadlaan dagaalladaas uu ku sheegay xasuuqa, isla markaana ay faro-gelin ku sameeyaan arrintaas.

Waxa uu Xildhibaan Siciid ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay ka hadasho isagoo ku dhalliilay ka aammusnaanta dagaalka lagu hayo sida uu hadalka u dhigay Beesha Biyo-maal oo uu sheegay inay abaal ku leeyihiin reer Somaliland. sidaa daraaddeedna waxa uu u soo jeediyey inay Xukuumadda Somaliland doorkeeda ka qaadato arrintaas inta ay ku mashquulsan tahay burburinta Xisbigeeda KULMIYE. waxa uu sidoo kale u soo jeediyey Ganacsatada iyo Culimada Somaliland inay ka hadlaan, isla markaana u gurmadaan walaalohooda lagu dhibaataynayo Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlaya dagaalkaas, su’aalo kooban oo la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.