Cirro oo soo jeediyey in Guddiga doorashada la kordhiyo, Xisbiyadana ugu baaqay kulan dhaqso ah

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku baaqay in la kordhiyo tirada Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, isla markaana laga dhigo Sagaal Xubnood, halka ay hadda tiradoodu tahay toddoba Xubnood.

IMG_1507-620x330

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ku dooday inaanay marka la gaadho wakhti doorasho hawsha culus ee jirta aanay ku filnayn toddobada Xubnood ee ay Guddiga doorashooyinka Somaliland ka kooban yihiin, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay in lagu kaabo laba xubnood oo sagaal qof laga dhigo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad uu maanta magaalada Hargeysa loogu qabtay Siyaasiyiin ku biiray Xisbigaa oo lagu soo dhaweeyey.

“Waxaan soo jeedinaynaa in Xubnaha Guddiga doorashooyinka laga dhigo Sagaal (9) Xubnood. Waxaan waayo-arag u nahay inaan toddobada xubnood ku filnayn xilli doorasho, iyada oo loo baahn yahay in Xubnuhu u kala baxaan dhammaan gobollada dalka. Xarunta waa in ay joogaan ugu yaraan saddex Xubnood si ay u sahlanaato xil-gudashada culus ee xilli doorasho.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo jeedinaynaa in Xisbi kastaa soo magacaabo 3 xubnood, loona miisaamo dhammaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu soo jeediyey inay Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland isugu yimaaddaan kulan wada-tashi oo deg-deg ah, waxaanu yidhi; “Arrinta Komishanka (Guddiga) doorashooyinka Qaranka waxaan soo jeedinaynaa in Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku kulan wada-tashi ah dhakhso isugu yimaaddaan.”

Tirada ay ka kooban yihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee hadda shaqeeyaa waa toddoba xubnood oo ay soo kala magacaabeen Golaha Guurtida oo laba xubnood keenay, Xubin KULMIYE magacaabay, Xubin UCID magacaabay iyo saddex xubnood oo uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, dabayaaqada sannadkii 2009, kuwaasoo ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen cod-gacan-taag ah, wakhtigooduna ku sinnaa muddo shan sano ah.

Waxaanay Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee hadda shaqeeyaa, ku guulaysteen qabashada doorashadii labaad ee Madaxtooyada Somaliland 26 June 2010 ee uu ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo oo Xisbiga KULMIYE oo uu Guddoomiye ka ahaa ka sharraxnaa iyo doorashadii muranka iyo iska-hor-imaadka dhalisay ee Golayaasha Deegaanka oo qabsoontay 29 October 2012-kii, ahaydna doorashadii labaad ee Golayaasha Deegaanka Somaliland lagu soo doorto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.