“Siilaanyo & Muuse-haa ay is haystaan waxa laga la’yahay shan-shantii boqol ee Xabaalaha..” Sh. Aadan-Siiro

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hore u ballan-qaaday inuu lacag shan boqol oo Doollar ah ku darsanayo ballaadhinta Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

SHEEKH AADAN-SIIRO

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiyaha Xisbiga talada haya Muuse Biixi Cabdi in isagana aan weli shilin lacag ah laga hayn qaadhaanka uu ballan-qaaday inuu ugu tabarucayo ballaadhinta Xabaalahaas.

Waxa uu Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlay Xabaalaha Xeedho oo lagu aasay gelinkii hore ee maanta Allaah ha u naxariistee Suxufigii iyo Qoraagii Ruug-caddaaga ahaa ee Maxamed Maxamuud Kastam oo shalay ku geeriyooday gurigiisa Hargeysa uu ka degganaa.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu si toos ah farta ugu fiiqay dayaca ka jira Cusbitaalka Hargeysa iyo Xabaalihii dadka lagu aasayey oo buuxsamay. Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlayey Xaaladda Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku sugan yahay, gaar ahaan Qolka Meydka oo Meydka Marxuumka iyo laba Meyd oo kale oo yaallay Laydhka Talaagadda Meydka lagu rido laga bakhtiiyey xalay oo ay qaarkood qarxi gaadheen, waxa uu sheegay in Cusbitaalku dayacan yahay.

Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro oo arrintaas Cusibtaalka ka hadlayaa yidhi; “Waad arkayseen qollkii aynu Marxuumka ka soo qaadnay ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Illaahay Bina’aadamka haddii uu nool yahay iyo haddii kaleba wuu karaameeyey, waar wuu dayacan yahay Cusbitaalkii Hargeysa, inta nin ee tie-ga u soo xidhatay iyo inta Landcruiser ee waxay ka shaqeeyaan aanad garanayn ee dul-taaganna waad arkaysaan.”

Sheekh Aadan-Siiro oo la hadlayay Suxufiyiinta ka qaybgalay Aaska Marxuum MM Kastam, waxa uu yidhi; “Waar waxaas wax ka qora oo dunida qof baa badbaadiyee dalka badbaadiya oo cid-na ha u habrannina. Afar bilood baan maqnaa Xabaalihi way buuxaan waxaan Lix bilood gaadhayn baa hadhay meel la idinku aasaa ma jirto, Beerta ku xigta Xabaalaha ninkii lahaa shan boqol oo kun buu ku diiday, dhulkiina waa la kala yeeshay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi-gaa ay meesha isku haysataan waxa laga la’yahay shan-shantii boqol ee ay isku qoreen markii aannu Xabaalahan iibinaynay mooyi meel ay geeyeen hantida ay Maamulaan.”

Waa markii ugu horreysay ee Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) uu sheego in Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya Muuse Biixi Cabdi aan illaa hadda laga haynin oo uu ku maqan yahay dhaqaale ay ballan-qaadeen sida uu sheegay inay ku darsanayaan Tabarucaadka lagu hirgelinayey Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.