Ciidamada Somaliland oo la wareegay Taleex, Shirkii Khaatumo oo burburay iyo Galaydh oo baxsaday

Taleex(Aftahannews):- Wararka ka imanaya degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa xaqiijinaya in ciidamo ka tirsan Somaliland oo ka tagay degmada Laascaanood ay galeen degmadaasi maanta barqadii.

120105181056_taleex_304x171_taleex_nocredit

Taliyaha guud ee ciidammada milateriga Somaliland, Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle, ayaa goor dhoweyd khadka teleefoonka BBCda ugu xaqiijiyay in ciidankiisu gaadheen deegaanka Taleex, isagoo ku micneeyay gelitaanka Taleex ee ciidanka Somaliland – siduu hadalka u dhigay – inuu yahay hawlgal caadi ah oo lagu sugaayo nabadgelyada xuduudaha Somaliland.

Jeneraal Ismaaciil Shaqalle, taliyaha guud ee ciidanka somaliland oo BBCda ay weydiisay in ujeedada ciidankiisu ku galeen tahay inay is hortaagaan shirweynaha maamulka Khaatumo ee beryahanba halkaasi uga socday? Ayaa waxa uu ku jawaabay in xukuumada Somaliland amar ku bixisay in aan xuduudada Somaliland lagu qaban karin shir aan fasax looga qaadan.

Dadweynaha ku nool deegaanka taleex oo qaarkood aan la xidhiidhay ayaa ii sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo madax dhaqameedkii ka qeyb galayay shirka Khaatumo uga socday Taleex ay xalay ka baxeen magaalada, ciidammada Somaliland-na banaanka ka joogaan magaalada.

15-kii bishii Abriil ee sanadkan ayey aheyd markii ay ciidammada Somaliland qabasadeen markii ugu horreysay magaalada Taleex laakiinse markii danbe iskood ayey uga soo baxeen

Xigasho BBCSOMALI.COM