Ciidanka Somaliland oo u dul-degay Magaalo kulaalaysa Boosaaso

Ceerigaabo(Aftahannews):- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fadhiisin ka samaystay duleedka magaalada Xiin-galool ee bariga Gobolka Sanaag, halkaasoo la doonayo in shir lagaga soo horjeedo qaranimada Somaliland lagu qabto 15 June 2014.

 rrr

Millatariga Somaliland, ayaa la sheegay inay subaxnimadii hore ee shalay galeen magalada Xiin-galool oo la filayo inuu ka qabsoomo shir uu hore ku baaqay Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ah suldaanka guud ee beelaha bariga Sanaag (Warsangeli), iyadoo shirkaasna ay ka qaybgalkiisa qaadaceen beelaha Gaashaanbuurta ee degaannada Buraan, Balli-busle, Cawsanne, Ceelaanyo, kana tirsan bariga Sanaag.

“Ciidamo aad u hubaysan oo Somaliland ka socda, ayaa subaxnimadii hore (shalay) soo galay magaalada Xiin-galool, waxayna wateen 13 gaadiidka gaashaaman, markii dambena duleedka magaalada ayey saldhig ka samaysteen.” Sidaa waxa yidhi Cabdikariim Cabdillaahi oo ka mid ah Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo isagoo magaalada Xiin-galool ku sugan u waramay saxaafadda shalay.

Magaalada Xiin-galool oo taariikh ahaan iyo juquraafi ahaanba ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaanna magaalada dekedda ah ee Boosaaso u jirta qiyaastii ilaa 100km, waxa qabiil ahaan ku sheegta maamul-goboleedka Puntland, iyadoo xilligana la qabanqaabinayo shir beeleed lagaga soo horjeedo Somaliland, kaasoo sababay in ciidanka qaranku gaadhaan, hareerahana ka fadhiistaan magaaladaas, kuwaasoo ujeeddadoodu tahay inay ka hortagaan shir ka dhan ah qarannimada Somaliland oo halkaas la doonayo in lagu qabto.

Ciidanka qaranka ee gaadhay degaanka Xiin-galool ayaa la sheegay in aannu wax dhibaato ah kala kulmin, isla markaanna wax iska caabin ah lagu samayn, kaasoo ujeeddadiisu ku qotonto ka hortaga shir kasta oo lagaga soo horjeedo qarannimada Somaliland, abaabulkiisa leeyahay maamulka Puntland in lagu qabto degaankaas.

Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa dhawr jeer oo hore ku dagaalamay degaanno ka tirsan bariga Sanaag oo ka mid ah dhulka Somaliland, balse, maamulkaasi qaab reeraysan ku sheegto.

Xigasho Jamhuuriya.