Hawlgallada RRU: Tacaddiyo Tiiraanyo leh!

W/Q: Cali Cabdi Coomay – Qeexitaan magaca RRU, Magacan waxa loo soo gaabiyay Rapid Reaction Unit (RRU). Micnaheedu waa ciidanka ka jawaaba xaaladaha deg-dega ah.

CIIDANKA RRU-DA SOMALILAND

Baahiyaha keenay in la Aas-Aaso

Tan iyo markii qaraxyada loo geystay Somaliland bishii Oktoobar ee sannadkii 2008-dii, waxa loo baahday ciidan si gaar ah u tababaran oo si dhakhso ah uga jawaaba weerarada iyo qaraxyada ay soo maleegaan cadowga ummadda Somaliland. Ciidanka RRU waxay ku qalabaysan yihiin Hub iyo qalab casri ah. Waxaana loogu talogalay inay muddo daqiiqado ah ku burburiyaan cadowga Somaliland.

Waxay u tababaran yihiin inay gacan bir ah ku qabtaan cidii isku dayda inay khalkhal geliso nabada iyo xasiloonida dalka. Waa ciidan la siiyay tababar gaar ah, oo ku salaysan inaanay soo noqon ilaa ay gunta ugu dhacaan meeshii loo diro. Waxay dhaqan u leeyihiin inay saq-dhexe weeraro qaadaan. Halku-dhigoodu waa: waa ciidan arka cadowga intaanay arag, waa ciidan weerar cadowga intaanay weerarin, waa ciidan cadowga ila intaanay dilin, waa ciidan qarxiya cadowga intaanay qarxin, waa ciidan cadowga toogta intaanay toogan.

Hawlgalada RRU-da

Ma jirto tiro rasmi ah oo soo koobaysa inta hawlgal ee ay fuliyeen ciidanka RRU-du, balse waxaynu soo bandhigi doonaa inta ugu weyn. Hawlgalada waxaynu u qaybin doonaa kuwa lagu soo qabanayay shakhsiyaad iyo kuwo guryo lagu baadhayo.

Hawlagada shakhsiyaadka lagu bartilmaameedsanayo

ü  Bishii kowaad ee sannadkan 2014-ka ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen magaalada Burco. Hawlgalkan ayaa la fuliyay saq-dhexe. Bartilmaameedka hawlagalka ayaa ahaa in lagu soo qabto Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guleed Daahir Samatar. Gurigiisa ayaa lagu qaaday weerar qorshaysan waxaana laga soo qabtay guriga dhexdiisa. Qoyskiis ayaa sheegay inay argagexeen markii guriga loogu soo daatay saq-dhexe. Guriga waxa ka muuqday Burbur aan magdhow laga bixin.

ü  Bishii Juun ee sannadkii 2013-kii ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen guriga uu degan yahay Muj. Cismaan Awr-liqe ooh ore u ahaa agaasimaha madaxtooyada u qaabilsan xidhiidhka dadweynaha. Hawlgalkan ayaa bilaabmay kow habeenimo sidii dhaqanka u ahayd. Guriga Cismaan Awr-liqe ayaa loo daatay si khasab ah waxaana laga soo dhexqabtay gurigiisa ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay. Qoyskiisa ayaa sheegay sida argagaxa leh ee habeen badhka loo soo weeraray. Guriga waxa ka muuqday burbur aan magdhow lahayn.

ü  Bishii sideedaad ee sannadkii 2013-kii ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen magaalada Burco. Hawlgalkan ayaa lagu qaaday guriga uu degan yahay Sh. Siciid Axmed Jaar. Hawlgaka ayaa dhacay saq-dhexe oo guriga loogu daatay Sheekha oo ku sugan gurigiisa. Qoyska Sheekha ayaa ka sheekeeyay qaabka argagaxa leh ee guriga loogu soo daatay.

ü  Bishii May ee sannadkii 2013-kii waxa cabasho mudaharaad ah sameeyay iskorogooyinka ciida qaada ee magaalada Burco. Ka dib ciidankii RRU-da ayaa ku dhex-dhacay dadkii mudaharaadayay. Iska horimaadkaasi ayay RRU-du xoog u adeegsadeen waxa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aan loo baahnayn.

ü  Bishii May ee sannadkan 2014-ka ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen guriga uu degan yahay C/laahi Abokor oo ahaan jiray wasiir ku xigeenka amniga Somaliland. Weerark ayaa dhacay saq-dhexe oo dadka caadiga ahi hurdo. Dagaal ayaa ka dhexqarxay ilaalada gaarka ah ee C/laahi Abokor iyo ciidanka RRU-du. Hawlgalka ayay xaaska C/laahi Abokor ku sheegtay mid argaxa iyo car-juuq-dheh. Burbur fara badan ayaa ka muuqday guriga . qaar caruurtiisa ka mid ah ayaa ka cabanayay inay waxyeelo soo gaadhay.

Hawlgalada Xaafadaha

Ciidanka RRU-du waxay hawlgalo ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee caasimada iyo magaalada Burco. Hawlgaladaasi waxay dhacaan habeen badh intooda badani. Waxa guriyaasi loo daataa saq-dhexe. Arrintaasi waxay naxdin, sas iyo argagax ku noqotay qoysas hurda oo aan ka warqabin hawlgalka. Cabashooyin fara badan ayay muujiyeen shacabka magaalooyinka ay hawlgalka ka fuliyeen.

Qaabka Hawgalka loo Fuliyo

Ciidanka RRU waxay u hawlgalaan qaab aad u fool xun oo ku salaysan, caga-juglayn, cabudhin, car-quuq-dheh iyo argagax. Qaabka hawlgalkoodu wuxuu shacabka soo xusuusiyaa tacadiyadii ay geysan jireen askartii Maxamed Siyaad Barre ee ahaa in shacabka guriga loogu soo daato saq-dhexe. Arrintani waxay muujinaysaa fool xumo hore inoo soo martay oo laga yaxyaxo. Caruur iyo xaasas habeen loo soo daato, maaha shay ku jira dhaqanka wanaagsan ee reer Somaliland.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Baadhis iyo Xog-ururin.