Gabayga:- DANAN (Hal-Xidhaale Furan)

Gabaygan oo la yidhaahdo DANAN, waxa Curiyey Xasan-Daaci Abiib Faarax, 10/06/2014, Gabaygani waxa uu jawaab u yahay Gabay hore oo uu sameeyey Nin aan Sxb nahay oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Xuseen Guuleed…Ka Bogasho Wacan.

DANAN:-

    Sidii Aan Dabbaabada Watiyo, Ciidan Daba Jooga

    Oo Aan Diyaarado Kacshoon, Gubayo Dooxooyin

    Oo Duul Nabdoon Aan U Imi, Goob Dadkuba Seexday

    Dirir Iyo Colaad Aan Filayn, Dakhar Kasoo Gaadho

    Oo Aan Ku Daabulay Garnayl, Diiradliyo Hawsar

     Dab-xidh Iyo Duqayn Kala Go’ayn, Laysu Daba Joojay

    Digta Hore, Daryaankiyo Madfaca, Diririg Yeedhaaya

    Dabka Olola, Daannada Dhacdiyo, Kala Dabayl Raaca

    Dihinkaagu Wuu Garanayaa, Dabarjar Weeyaane

    Anigana Dabuublaha Yaree, Gabayga Diihaalay

    Doobtayda Goortuu Maqluu , Sii Durduriyaa .

    Da’da Maanso,  Dood iyo Dhigaal, Duur-xul Iyo Faallo

    Gabay Danana ,Deelqaafna galin, Danab Sidii Moodo.

    Marka Aan Damcaabaan Hubaal, Kaga Dayaanshaaye

    Balaan Dooxo Waataan La Baxay, DAACI Iyo Sheekhe .

 

    Digashiyo Ku faan Maaha iyo, Gabay-Dannookhayne

    Durbaan Iyo Ciyaar Maaha Iyo, Kuba Damaashaade

    Damac Iyo Adduunyiyo Ma aha, Doolar Iyo Maale

    Duub Iyo Bilays Kaama Karo, Kaama Duudsiya’e

    Dirqi Iyo Is-waalwaal Ma Galo, Doonis iyo Buuqe

    Duruus Lagumasoo Koobi Karo, Daalib iyo Sheekhe

    Dabaylaha Hadaad Fuusha’ood, Daan Kastaba Aaddo

    Daafaha Adduunyada Haddaad, Wada Dawaafayso

    Cilmi-baadhis Lagu Daah-furiyo , Daalba Lagu Waaye

    Waa Deeq Ilaahay Baxshiyo, Doobir Gooniya.

 

    Doollaalo Anigoon Ka Wadin, Meel Dirriya Aadin

    Duxda Iyo Anoon Kaba Kaxayn, Gabayga Doocaanta

    Halka Aan Ku Duulaaya iyo , Dulucda Weedhayda

    Cabdoow Waa Dalluuntaad na Tidhi, Baadha Oo Daya’e

    Hal-xidhaalahaagii Dorraad,  Dabar-fur Aan Siiyo.

 

    Duug Iyo Cusayb Iyo Hadeer, Shay Da’ Lagu Sheego

    Oo Aan Dadkoo Qudhi Lahayn, Dunidan Aan Joogno

    Dugaagiyo Ugaadhuna Wataan, Waan danniyayaaye

    Ruuxdaa Na Wada Daaran Iyo, Waa Naf Lagu Doojay

    Duqayn Aan Rasaas Iyo Lahayn, Shay Dab Dhalinaaya

    Oo aan Diyaaradina Sidin, Daabadna Lagu Qaadin

    Diirkana Hubaashii Ku Guba, Waan Danniyayaaye

    Waa Danabka Duulaaya ee , Daa’in Maamulo.

    Hayin Aan Biyaa Daadinayn, Daalna Kugu Beera

    Oo Aan Dib Iyo Qoor Lahayn, San Iyo Daantoona

    Gaajiyo Haraadkuna Damqayn, Waan Danniyayaaye

    Gaadhiga Dakaynaaya Iyo , Daabad Culus Weeye .

    Durdur Aan Go’ayniyo Xareed, Lagu Dadaalaayo

    Oo Ruuxba Weelkuu Ka Daro, Dahab Ku Sheegaayo

    Oo Dheeman Lagasoo Dabtana, Waan Danniyayaaye

    Cilmi Lagu Dadaaloo Jahliga, Lagu Dilaa Weeye .

 

    Dabaal-yahanka Quusaan Lahayn, Lug Iyo Duubtoona

    Ee Simanna Duudkee Rabigu, Baalal Ugu Deeqin

    Oo Shay Dadkuna Jecelyihiin, Daayin Ku Abuuro

    Badna Aan Dawaafkeed Aqoon, Abidna Aan Daarin

    Kaluun Iyo Dirkiisana Ahayn, Qaabka Iyo Doobta

    Ee Aan Dagaal Lagu Ogayn, Waan Danniyayaaye

    Dusha Sare Waxaa Kaa Xigee, Dunida Heehaabi

    Duulimaad Dabbaal Iyo Socdaal, Dulundulcaynaya

    Ee Aan Dambaabidha Aqoon, Roobna Laga doogsan

    Haddii Aan La Diidayn Wallee, Waa Daruuraha .

    Haddii Aan Shantaa Daahan Furay, Daw na Qabadsiiyay

    Oo Aan Dahaadhkiyo Ka Rogay, Dabiqi Saarnaaba

    Oo Aan Durbaankaad Tuntiyo, Dulucda Baandheeyay

    Sidaad Doonto Yay Noqon Amaba , Shay Ka Daakhiline

    Haddii Ay Macquul Daaran Tahay, Dihinku Qaadaayo

    Inaan Laygu Diidaynin Baan, Doobbigaw Culan .

CURIYE:- Xasan-Daaci Abiib Faarax, 10/06/2014.