Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u jeedisay Mucaaridka iyo dawladda Suudaanta Koonfureed

Addis Ababa(Aftahannews):- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliy Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa baaq u jeediyey dawladda iyo Mucaaridka ka hor-jeeda ee dalka Suudaanta Koonfureed oo muddooyinkii u dambeeyey dagaallo ba’an oo sokeeyo u dhexeeyeen, kuwaasoo dhibaatooyin baaxad leh ka sababay waddankaas.

SHIRKA IGAD SHIRKA IGAD 3 SHIRKA IGAD 2 AMISOM SHIR

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka qaybgalay Kulankii 26-aad ee aan Caadiga ahayn ee Madaxda Urur -goboleedka IGAD oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, iyadoo kulankaas lagaga hadlay xaaladda dalka bilihii dambe qalalaasuhu ka taagnaa ee Koonfurta Suudaan.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane William Ruto, Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Suudan Mudane Bakri Hassan Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti Mudane Mahmoud Ali Youssouf, wakiillo ka socday IGAD iyo xubno ka yimid Qaramada Midoobay, China, Midawga Yurub, Norway, Ingiriiska iyo Maraykanka.

Gebogabadii kulankaas ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 18 qodob iyadoo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisii hore, ahna hoggaamiyaha mucaaradka Dr. Reik Machar loogu baaqay hirgalinta heshiiskii ay labada dhinac ku wada gaareen magaaladda Addis Ababa 9-kii May, 2014. Waxaa xilligaas lagu heshiiyay in lagu xalliyo dhibaatooyinka ka taagan dalkaas in la joojiyo colaadaha iyo in laga wada hadlo dhismaha dawlad ku-meel-gaar ah oo laga wada qaybgalo si loo gaaro midnimo qaran.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan in ay u oggolaadaan shaqaalaha hay’adaha gargaarka in ay kaalmooyin gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha khilaafku ka taagan ee Koonfurta Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa kulankaasi kadib waxa uu ka warramay natiijada iyo waxyaabaha ka soo baxay kulankaas ee muhiimka ula muuqday, waxaanu yiri; “Waxaan ku faraxsanahay inaan magaca Soomaaliya uga qeybgalay Kulanka 26-aad ee IGAD ee looga hadlay arrimaha khilaafka ka taagan Koonfurta Suudaan. Waxaana mar walba diyaar u nahay in aan kala shaqayno Urur-goboleedka IGAD horumarinta wadahadalladda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka.”

“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Koonfurta Suudaan iyo mucaaradkaba in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha ay heshiiska ku gaareen ee lagu soo afjarayo colaadaha..” sidaa ayuu yiri Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Waxaanu intaas ku sii laray oo yiri; “Waa arrin muhiim ah in dhammaan dhinacyadu ay ku dadaalaan xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, waana in ay u oggolaadaan shaqaalaha gargaarka inay gargaarka bani’aadanimo gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha ay colaaduhu ka jiraan.”

“Waxaan u rajaynaynaa walaaleheenna Koonfurta Suudaan in ay ku guulaystaan wada-hadallada, annaguna waxaan markasta taageersannahay dadaallada lagu xalinnayo kihlaafka.” ayuu gebo-gabadii hadalkiisa ku yiri Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.