Madaxweyne Siilaanyo muxuu ka yidhi Geerida Suxifigii caanka ahaa MM Kastan?

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh ee ku timi Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan oo ahaa Ruug-caddaa Suxufi ah, isla markaana qoraa ahaa oo caawa ku geeriyooday gurigiisa uu ka degganaa magaalada Hargeysa.

siilaanyo-1

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, guud ahaan Bahda Saxaafadda iyo Qoraayaasha Buugaagta iyo guud ahaan Shacabka Somaliland, waxaanu Illaahay uga beryey inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, Marxuumkana Illaahay Jannada ka waraabiyo. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

TACSI MADAXWEYNE.. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,  Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Caawa Hargeysa.

siilaanyo-1

Marxuumka oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii dhidibada u taagay saxaafada Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan,

Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta saxaafada maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

tacsi1

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.