Madaxweynaha Puntland oo furay Mashuur lagu dhisayo Madaarka Boosaaso

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta furay Mashruuc lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

IMG_8738

DSC_8106

DSC_8197

IMG_8723

Munaasabad lagu furay Mashruucaas, ayaa waxaa Madaxweynaha ka sokow ka qaybgalay Masuuliyiin ka kala socday Golayaasha dawlad-goboleedka Puntland, Madax-dhaqameed, Waxgarad, Haween, Culuma’udiin, Saraakiil ka socotay dhanka Qanadaraasyada Talyaaniga ”UNOPS” Maamulka degmada, Gobolka Bari iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Cabdiweli Gaas oo khudbad ka jeediyey Xafladdaas, ayaa sheegay in mashruucan Airporka Boosaaso soo maray marxalado kala duwan maantana la joogo mira-dhalkiisii.

DSC_8082 

Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tilmaamay in dhameystirka Airporku noqon doono mid ka dhaxeeya Ummada Soomaaliyeed oo idil. Wuxuu si toos ah ugu dhawaaqay in Qandaraaska dhismaha Airporka la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha isla markaana ah mida dhistay Jidadka u dhaxeeya Tanzaniya iyo Zambiya.

…….”” Waxanu siinay Mashruucaan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC),waa Kambani aad u weyn,waana kambanigii dhisay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tanzaaniya iyo Zaambiya……”’ayuu yiri Dr Gaas.

Shirkadda China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC) qaabka lagu doortay mar uu ka hadlaayey ayuu sheegay iney yihiin kuwa ka kharash yaraa shirkadihii tartanka ku jiray isla markaana ay yihiin shirkad waxqabadkeeda lasoo arkay.

DSC_8117……….””Sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay Garoonka Cida ugu dhow ee sheegatay ayuu Kambanigu ahaa,Dowlada iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo……”’ayuu yiri.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay bulshada qeybahooda kala duwan iney ku dadaalaan Nabadgelyada Shirkadda dhiseysa Airporka Boosaaso.

“Masuuliyiinta kambaniga ninka ugu sareeyana waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay Puntland u imaan lahaayen anagana jecel in ay noo yimaadan,oo dalka yimaadan isalamarkaana ay maalgashadan lagana shaqeeyo nabadgalyadoo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiwali Gaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in dhismaha Airporka Boosaaso lagu dhameynayo muddo dhan 10-bilood ama ku dhawaad hal sano taasoo ay xigi doonaan markaas Airporada kale ee Puntland.

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Sheegay in qalabkii lagu dhisaayo garoonka diyaaradaha Bosaso uu yaalo Dalka Jabuuti,dhawaana Bosaso uu soo gaaryo si ay howshu u bilaabato.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannewscom

Boosaaso/Puntland/Somalia.