Waa maxay sababta Ciidanka RRU-du u galeen Xarunta Xawaaladda Juba oo ay Xisaabiyeheedii xidheen?

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidanka la-dagaallanka Argaggixisada ee Somaliland ee RRU-da loo yaqaan oo ka tirsan Booliska, ayaa Xabsiga u taxaabay Xisaabiyihii xarunta Hargeysa ee Xawaaladda Juba Express Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ay xalay gurigiisa kala baxeen, isla markaana waxay maanta muddo saacad iyo dheeraad ah xidheen xarunta Juba ee Caasimadda Hargeysa oo ay baadhitaan ku sameeyeen iyaga oo isana dabada ka wada, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Shirkaddaaasi.

Xaawallada JUBBA HARGEYSA

Xubno ka tirsan Masuuliyiinta Xawaaladda Juba Express xarunteeda Hargeysa, waxay Ciidammadu Xisaabiyaha Xawaaladda Juba Express oo ku yaallay magaalada Hargeysa, waxaanay iyaga oo wada Xisaabiyaha ay barqadii maanta yimaaddeen Xarunta dhexe ee Xawaaladda Juba ku leedahay badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa, gaar ahaan Dhismaha Jirde Xuseen.

Xarunta Xawaaladda Juba oo ay Ciidanku markii ay yimaaddeen joojiyeen wixii shaqo ka socotay wakhtigaas oo ahayd abbaaro 11-kii maalinnimo, xidhnaydna illaa Salaaddii Duhur (12:00-kii iyo wax yar) oo ay baadhitaan ka wadeen gudaha Xawaaladda, gaar ahaan Cumputer-kii uu ku shaqayn jiray ee Xawaaladda oo aan la garan karin wax laga baadhay iyo xogta ay kala baxeen toona, sida ay Masuuliyiintu u xaqiiiyeen Aftahannews.com.

Taliska Ciidammada Booliska Somaliland iyo Xukuumadda kale toona kamay hadal sababta Xisaabiyihii Xawaaladda Juba Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Xabsiga loogu taxaabay iyo kiiska galay ee ay xogtiisa ka baadheen illaa Kumputerka uu ku shaqaynayey ee Xawaaladdu lahayd ka baadheen waxa uu yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.