Wefti Xukuumadda ka socda oo kulamo colaad-demin ah ka bilaabay Marka

Muqdisho(Aftahannews):- Wefti Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hooe si ay xal uga gaaraan dagaal beeleedyo halkaasi ka socday lixdii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa kulammo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladaas.

Wasiirrada_Gudaha_&_Difaaca

Weftiga waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Goodax Barre , Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo xubno kale oo la socday kuwaasi oo markii ay gaareeb xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka kulamo kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax garadka beelaha ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, si loo kala qaado maleeshiyo beeleedyada halkaasi ku dagaalamay,

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah oo markii uu kulanka soo idlaaday kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka ay odoyaasha la qaateen looga hadlay sidii dib u heshiisiin dhab ah loo kala dhex dhigi lahaa dagaal beeleedyada soo noq noqday,  islamarkaana looga wada shaqeyn lahaa amniga gobolka iyo in dib loo soo celiyo dadkii ku barakacay dagaaladaasi.

Wasiirku waxa uu xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay in xal waara laga gaaro dagaal beeleedyada soo noq noqday, waxaana uu intaa ku daray in uu jiri doono kulamo kale oo lagu xoojinayo dhex dhexaadinta ku aadan beelaha halkaasi ku dagaalamay.

Wafdiga Wasiirada ah ee saakay gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo howlaha ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada ay ka socdaan xarunta Gobolka oo aysan jirin waxyaabo qaar ah oo halkaasi laga soo sheegayay maalmihii dhawaa sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka Mustaf Xiireey oo la socda Wafdiga Wasiirada ah.

Dagaallada ka dhacay deegaanada kale duwan ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa la rumeysanyahay in uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada ka imaanaysa Madaxda Dowladda, waxgaradka iyo Culimada Soomaaliyeed oo ku aadan in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaallada gobolkaasi ku soo laa laabtay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.