MM Kastam: Tiir-dhexaad ka baxay Saxaafadda Somaliland & Qorayaasha Soomaaliyeed

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah naxariistii Janno haka waraabiyo Maxamed Maxamuud Kastam oo ahaa Qoraa Buugaag kala duwan qoray iyo Suxufi Ruug-caddaa ah oo Sumcad, Magac, Karaamo iyo Sharaf ku dhex lahaa Saxaafadda Somaliland, ayaa caawa ku geeriyooday gurigiisii uu ka degganaa magaalada Hargeysa.

MM KASTAM

Maxamed Maxamuud Kastam oo caan ku ahaa MM.Kastam, Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo, Fiidkii Caawa ayaa la ogaaday inuu geeriyooday, isagoo shalayto caafimaad-qabay, kuna hoyday gurigiisa oo uu wakhtigan keligii degganaa, maaddaama oo Xaafadda inteeda kale ay dalka dibeddiisa ku maqan yihiin xilligan, balse waxa uu lahaa Xanuunnada Macaanka iyo Dhiig-karka.

Allaah ha u naxariistee MM. Kastam, waa Rukun iyo tiir-dhexaad ka baxay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Saxaafadda Somaliland, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, waxaanu ka soo shaqeeyey Wargeysyada Xorriyo, Jamhuuriya.

Waxa uu La-taliye dhinaca Saxaafadda iyo Wax-soo-saarka ah iyo tayeynta Barnaamijyada ah ka noqday Horn Cable TV iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Warbaahin badan oo Somaliland hadda ka jirta oo uu fikirkeeda iyo hirgelinteedaba ka qayb-qaatay.

Waxa uu qoray Buugaag badan oo kala duwan, waa ruux kaalintiisu ku bannaanaatay caawa Warbaahinta Somaliland iyo guud ahaanba Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha iyo qoraayada Soomaaliyeed-ba.

Haddaannu nahay Bahda Warbaahinta Aftahan Media Group, waxaannu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Axaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ta Somaliland oo aannu leenahay Illaahay Samir iyo Iimaan Saadiq ah ha innaga siiyo Maxamed Maxamuud Kastam, Marxuumkana Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo oo qabriga ha u nuuriyo. Inkasta oo aan weli rasmi loo muddaynin wakhtiga la aasi doono, haddana waxa suuragal ah in maalinta Berri ah haddii Illaahay yidhaahdo Marxuumka si weyn loogu aaso magaalada Hargeysa ee uu caawa ku geeriyooday. Waxaanannu haddii Rabbi Raalli ka noqdo Taariikhda Marxuumka oo dhammaystiran idiinku soo gudbin doonnaa Barnaamijyo maalmaha soo socda.

INNAALI-LAAHU WA INNAA-ILEYHI RAAJUCUUN. Naf waliba Mawdka way dhadhamin doontaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.