Baarlamaanka Soomaaliya oo kawada hadlay abuurka Xisbiyo badan oo la hirgeliyo

Muqdisho(Aftahannews):- Shir ay Shir-guddoonka iyo Guddiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya maanta wada yeesheen, ayaa lagaga hadlay sidii dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaamka Xisbiyada badan ee dhaqanka dimuquraaddiyadda iyo sida ay u hirgelin karaan shuruucda abuurka Xisbiyada badan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada guddoonka iyo gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari , waxaana kulanka ka soo qeyb galay dhamaan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Inta uu kulanka socday waxaa furitaankiisa lagu eegay sdia loo hirgelin karo nidaamka Axsaabta Siyaadda ee dalka, si looga gudbo habka wax ku qeyb siga qabaa’ilada ee shanta beelood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay muhiimadda ay u leedahay geedi socodka la doonayo in sanadka 2016-ka laga hirgeliyo doorasho xor ah oo ku saleysan nidaamka Axsaabta.

“Arrintan ku saabsan Nidaamka Axsaabta Siyaasadda iyo sameyntooda, ahmiyad gaar ah ayay leedahay, Ahmiyaddaasi ay leedahay darteed ayaan gudigan u sameynay, Xukuumadda nafteeda Xubno ayaan ka siinay, inay joint noqoto oo la soo sameeyo labo, labo marxaladood weeyaan, Marxaladda koowaad in xulka ugu wanaagsan ee axsaabta siyaasiga ah ay noqon karaan oo Option ah, see loo sameyn karaa, nuucyadee la sameyn karaa, in ay horta daraasad ka soo sameeyaan, taasi markaa ka bacdi uu baarlamaanka xulo, micnaheedu oo ay tahay taa, anagga waagii hore Axsaabta siyaasadda ee dhalanaya markii ay doorasho soo dhawdahay 80-meeyo 90-meeyo gaaraya, arrinta ugu muhiimsan hadda aan rabno in aan gaarno waxa ay tahay, iyada oo casharadaasi wax laga bartay oo lixdemaadkii ahaa darseyna, iyadoo oo aan fiirinayno tijaabooyinkii ay sameeyeen Gobollada Waqooyi  ee Soomaaliya puntland iyo dhamaan dalalka aan isku dhaqanka nahay, ama nala dhaqan dhaw, aniga waxaa ila haboon axsaab siyaasi oo haddii Alle kuu roonyahay jiraaya oo koraaya, haddii sharuudaha qaarkood laga waaya dhimanaaya, oo aan sugeynin doorasho kaliya, laakiin noqonaaya kuwa mar walba diyaar ah doorasho  ilaa doorasho ka dhexdooda xitaa howlgalaaya, xataa kuwa mucaaradka ah in door Qarameed ay leeyihiin, shaqooyinkooduna ay caddahay, oo aan lagu takooreynin in aan yeelano kaasi waa muhiim, ayuu yiri Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

gebo gabada kulankii maanta kaddib ayaa guddoomiyaha gudiga Axsaabta Baarlamaanka Soomaaliya Prof Cabdirisaaq Cismaan Jurile ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaabaha gudigooda u qabsoomay mudada hadda ay jiraan.

“Labo Guddi hoosaad baan isu qeybinay, guddi daraasad soo sameeya iyo guddi dadka la kulma, xog si loo helo, War la helaa Talo la helaa, waxaa wax la diyaarin karaa, sharuuc la diyaarin karaa, siyaasad axsaabta lagu furo la diyaarin karaa, marka xog la helo, xogta marka labo dhinac baan ka doonay, dhinac waxa weeye wax Alle iyo wixii sharuuc ah laga soo bilaabay 50-kii in aan soo uruurino, dastuurkii, Sharcigii Xisbiyada, sharcigii Xisbiyada, waxaan soo uruurinay 20 dal sharuucdooda si aan wax uga barano, 7-ka mid ah dagaal sokeeyo ayaa soo maray iyo afar dal oo dhanka dhaqanka aan isku mid nahay” ayuu yiri Guddoomiyaha gudiga Axsaabta Baarlamaanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.