Dhalinyaro galalafay Odayaal waday Barnaamijka Weji-ku-macaashka ee Xukuumadda lagu taageero

Hargeysa(Aftahannews):- Dagaal gacan-ka-hadal ah, ayaa maanta ku dhex-maray Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Odayaal Dhaqan oo ku guda-jiray Shir Jaraa’id oo ay ku taageerayeen Musharraxnimada Madaxweynah Somaliland Axmed-Siilaanyo ee shanta sano ee soo socda iyo koox ka soo horjeedday oo sheegay inay ka dhiidhiyeen Barnaamijka Weji-ku-macaashka ah ee Xukuumadda Siilaanyo caadada ka dhigatay oo ay tilmaameen in dadka lagu kala-fogeynayo.

 14417614033_c0942d26f5

111rgrf Dagaalkii-Maansoor dagaalkii-Odayaasha

Odayaasha taageerayey Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee Madaxweyne-nimada shanta sano ee soo socda ee uu dhawaan shaaciyey, ayaa isugu jiray Salaaddiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Beesha Subeer-awal, hase-yeeshee, Koox dhalinyaro u badan oo iyaguna isla Beeshaas ka soo jeeda, ayaa galalafay Shirka Jaraa’id ee ay Siilaanyo ku taageerayeen oo ay Xukuumaddu dabada ka wadday, isla markaana kharash ku bixinaysay, ka dib markii ay Kooxdaasi ugu galeen Huteel Maansoor ee ay u sheegeen inaanay qaban karin Barnaamijkooda Weji-Ku-macaashka loo yaqaan ee Xukuumadda lagu taagoo, waxaana markaas ka dib bilaabmay in dagaal gacan-ka-hadal ahi dhex-maro qaar ka tirsan Odayaasha Shirka qabanayey iyo Dhalinyarada ka soo horjeedday.

Halkan hoose ka daawo Sidii ay wax uga dhaceen maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay Odayaashu Shirkaas ku qabanayeen.

Guddiga dhexdhexaadinta Khilaakii KULMIYE isu xilsaaray ee ka socday Golaha Guurtida, ayaa toddobaadkan soo saaray go’aanno lagu soo af-jaray Khilaafkii u dhexeeyey labada Garab ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE u qaybsamay oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, kuwaasoo qodobbada ay soo saareen qaarkood dhigayeen inaan wax olole ah iyo abaabul taageero aan cid KULMIYE ka tirsani samayn karin illaa la gaadho wakhti doorasho oo la fasaxo ololaha iyo taageero-raadinta Musharrixiinta iyo Xisbiyada siyaasadda ee Somaliland.

Inkasta oo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi-ba sheegeen inay aqbaleen go’aannadaas oo ay sidooda u qaateen, haddana waxaa weli muuqda inay Xukuumaddu waddo barnaamijka weji-ku-macaashka loo yaqaan ee kolba koox intay Xukuumaddu Kharash siiso la yidhaahdo taageero u muujiya Musharraxnimada Madaxweynaha ee shanta sano ee dambe.

TV-ga iyo Idaacadda dawladdu Maamusho haddaad daawato ama dhegaysato waxaad ku arkaysaa ama ku maqlaysaa tobanka war ee ka baxa-ba inay siddeed tahay Beel heblaayo iyo gobol hebel oo taageero u muujiyey musharraxnimada Madaxweynaha ee shanta dambe, sidaa awgeedna waxa muuqanaysa inaan loo hoggaansamin ama lagu dhaqmin qodobkaas meesha ka saarayey wax astaan olole muujinaya inay sameeyaan dhinacyada KULMIYE ee la isu soo dhawaynayay. Sidoo kale, dhinaca Muuse Biixi ayaan iyaguna ka madhnayn muujinta taageerada ay taageerayaashiisu u muujinayaan, balse aad bay uga xaddidan tahay ta Xukuumadda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somalialnd.