UNHCR oo Talyaaniga ku eedaysay qaabka ay ula dhaqanto Qaxoonti Soomaaliyi ku jirto

Roma(Aftahannews):- Hay’adda Qoxoontiga adduunka u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR, ayaa dawladda Talyaaniga ku eedeysay inay tallaabo ka dhan ah dadka qaxoontiga Afrikaanka ah ee dalkeeda ku sugan iyo kuwa galaya oo ay sheegtay inay si aan caadi ahayn u dayacday, kuwaasoo ay dad badan oo Soomaali ahi ku jiraan.

Young-Bangladeshi-immigrants-demonstrate-in-front-of-the-Italian-parliament-in-Rome-on-May-21-2013_-AFP

UNHCR waxay sheegtay in Qoxoontiga ku sugan waddanka Talyaaniga iyo kuwa sida joogtada ah halkaas u gala lagu xareeyo goobo gaar ah, iyagoo aan haysan Cunto, Guryo caadi ah, Dhar hagaagsan, Kabo iyo waxyaabaha la mid ah ee Baahiyaha Aadamaha ka midka ah.

Eedeyntan ayaa timid iyadoo dowladda Talyaanigu ay hardan xooggan kula jirto sidii ay uga hortegi lahayd hirar dad ah oo dalkeeda kasoo galaya xeebaha ay la wadaagaan dalalka Afrika.

Sannadkan ayaa waxaa dalka Talyaaniga galay qoxooti tiradoodu gaarayso 50,000 oo qof, kuwaasoo la mid ah tiradii gashay dalka Talyaaniga sannadkii lasoo dhaafay ee 2013-ka oo dhan.

UNHCR ayaa sheegtay inaan la aqbali karin sida uu dowladda Taliyaanigu ay ula dhaqmayso qoxootiga ka yimid dalalka: Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika, kuwaasoo kasoo dagay maalin ka hor xeebaha Sicily, iyadoo Roma iyo Milan loo qaaday, halkaasoo ay ku dayacan yihiin.

“Waxaa jiray laba kooxood oo u dhexeeya 160 illaa 170 qof. Mid ka mid ah kooxaha waxaa la geeyay meel u dhow Rome, kooxda kalena meel u dhow Milano,” ayay tiri Carlotta Sami oo ah afhayeenad u hadashay UNHCR.

Qoxootiga la geeyay agagaarka Roma ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo gooba laga diiwaangeliyo qoxootiga oo ku yaalla Roma, halka kuwa la geeyay Milano ay weli ku jiraan baakinnada gaadiidka la dhigto. Afhayeennada UNHCR u hadashay ayaa sheegtay in qoxootigan la akay iyagoo aan haysan kabo, lacag, cunno iyo cabitaan midna, taasoo ay sheegtay inay tahay mid ay aad uga xumaadeen.

Qayb ka mid ah qoxootiga galay dalka Talyaaniga sannadkan oo tiradoodu ahayd 1,300 oo qof oo u badan haween iyo dhallaan ayaa loo qaaday shalay oo Talaado ahayd magaalada Taranto oo ku taaalla Koonfurta Talyaaniga. Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan xamili karin ququlka qoxootiga faha badan ee ka imaanaya dalalka Afrika iyo Aasiya, kuwaasoo intooda badan kasoo cararaya dalalka ay colaaduhu ka jiraan.

Madaxa hay’adda soohdimaha Midowga Yurub, Gil Arias Fernandez ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof oo doonaya inay Taylaaniga soo galaan ay xilligan ku sugan yihiin dalka Liibiya, taasoo ay ku sheegtay inay qayb ka tahay sharci la’aanta sii kordhaysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga, Angelino Alfano ayaa sheegay in dalka Talyaaniga ay soo galeen qoxooti tiradoodu u dhexeysa 400,000 – 600,000 oo qof.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.