Wasiir Ka Dayriyey Xaaladda Ay Ku Nool Yihiin Da’yarta Gobollada Bari Ee Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka dayriyey xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada gobollada Bari ee Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inay aad u dulman yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ka dayriyey xaaladda ay ku jiraan dhalinyarada gobollada Bari mar uu maanta ka hadlayay Munaasibad loo sameeyay 70 dhalinyaro ah oo ku guuleystay Maal-gelin Ganacsi oo ay bixisay Dalladda SONYO, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada gobollada kale ay taageeraan dhalinyarada gobollada Bariga ee dalka.

Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cabdi Siciid Raygal, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dhalinyarada gobollada Barigu aad bay u dulman yihiin oo Tabcaan u yihiin, SONYO way tageen oo way soo arkeen.”

wasiir ciyaaraha

Wasiirku waxa uu sheegay in aqoontii iyo horumarkii-ba wax ka dhiman yihiin. “Xaggii aqoonta ayay wax ka dhiman yihiin, xagga horumarka ayay wax ka dhiman yihiin, xagga tabobbarrada ayay wax ka dhiman yihiin, wax badan ayaan gaadhin. Markaa, waa inaad caawisaan oo aad gacan qabataan, sidaas ayaa wada-jirkuna ku jiraa.”

Waa markii ugu horreysay ee uu Wasiir Cabdi Siciid Raygal sidan oo kale uga dayriyo xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo aqooneed ee ku xeeran da’yarta ku dhaqan gobollada Bari ee dalka Somaliland, isla markaana uu sheego inay u baahan gurmad dhinaca horumarinta dhaqaale iyo waxbarasho ah oo loo sameeyo dhalinyarada gobolladaas Bari ee Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.