Kooxda Boko Xaaraam oo Haween kale ka afduubtay dalka Nigeria

Chibok(Aftahannews):- Ugu yaraan 20 haween ah ayaa laga qafaashay meel u dhow magaalada Chibok ee woqooyi bari dalka Nigeria, halkaasi oo kooxda Boko Xaraam ay bishii April ka afduubteen 200 oo gabdhood oo ciyaal iskuul ah.

Nin odey dhaqameed ah ayaa BBC-da u sheegay in rag ku lebbisan dareyska ciidamada milatariga ay qori caaraddii ku kaxaysteen haweenkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haweenkani lagu qaaday baabuur isla markaana lala aaday meel aan la garanayn oo ku taala isla gobolkaasi Borno. Saraakiisha deegaanka ayaa la sheegayaa in ay dhacdadaasi baaritaan ku hayaan.

Milatariga ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka warqabin dhacdadaasi. Shacabka reer Nigeria ayaa dhaliilay milatariga, waxa ayna ku eedeeyeen in ciidamadu ay ku guuldaraysteen in ay shacabka ka difaacaan weerarada Boko Xaraam.

Source BBC.