Muqdisho: Geerida qoys ku sumoobay Sun ay cabbeen oo sii kordheysa

Muqdisho(Aftahannews):- Aabbo ka mid ah shan qof oo ku jira Cisbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, isla markaana ku jiray xaalado adag, ayaa xalay halkaasi ku geeriyooday, iyadoo illaa iyo immika aanay jirin gurmad caafimaad oo dibedda ah oo loo sameeyay qoyskaasi oo ku sumoonay waxyaabo ay cabbeen, sidoo kalena waxaan jirin wax jawaab ah oo arrintaasi ay ka bixisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

DSC03225

Maareeyaha guud ee Wakaaladda Dekadaha dalka iyo Guddoomiyihii hore ee Degmada Yaaqshiid, ayaa maanta booqday qoyskaasi ku jira Cisbitaalka Keysaney, iyagoo ehelada Qoyskaasi ku wareejiyay deeq lacageed oo ay ugu talo galeen in wax looga qabto xaaladda ay ku suganyihiin qoyskaasi oo todobo ka mid ah geeriyoodeen,halka sadax kamida ay ku jiraan Cisbitaalka, iyadoo mid ka mida u ku jiro xaalad miir daboolmi ah.

Dr. Axmed Maxamed Taajir oo ah Agaasime ku-xigeenka Cisbitaalka Keysaney ayaa  ka warbixiyay xaaladii ugu dambeeysay ee ay ku suganyihiin bukaanada la ildaran sumoomidda oo uu ku sheegay inay xalay geeriyoodeen labo canug, isagoo xusay inay baaritaano ku hayaan waxyaabaha ay ku sumoobeen.

Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Jurus ayaa sheegay in ay la qeyb saneyaan xanuunka haya qoyskaasi dhiban socdaalkooduna uu la xiriiro sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda ay ku suganyihiin bukaanada.

Cabdullaahi Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah ehelada qoyskaasi ayaa uga Mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen xubnahan uu hogaaminayo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda dekadaha Dalka Gureey Xaaji Xasan.

Qoyskaasi oo ku soobay waxyaabo ay cabeen 6-dii bishaan ayaa waxa ay ka koobnaayeen  11-qof, iyadoo saddex ka mid ah ay ku dhinteen goobtii ay ku sumoobeen, afar kalena ay ku dhinteen gudaha Cisbitaalka oo ay ku jirtay Hooyo dhawaan umul ka soo baxday, halka ay Cisbitaalka haatan ku jiraan saddex qof oo mid ka mid ah ay xaaladiisa aad u adagtahay, waxaana goobtii ay qoyskaani ku sumoobeen looga soo tegay cunug yar oo 31-cisho dhalan.

Xigasho RadioMuqdisho.