Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo baaq ka soo saaray dagaallo ka socda Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Aftahannews):- Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika, ayaa ka hadlay colaad ka taagan gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya, waxaanay ku baaqeen in la joojiyo dagaallada ka socda gobolkaas, isla markaana waxa la kala tirsanayo lagu dhammeeyo wadahadal nabadgelyo ah.

AMISOM-SRCC-and-UNSOM-SRSG-greet-each-other-in-Mogadishu

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif, ayaa muujiyay walaaciisa dagaalada ka sii dhex socdo dhinacyada ku dagaalamayo gobalka Shabelle Hoose wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka.

Danjire Annadiif oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan ku baaqayaa degenaansho iyo dib u heshiisiin. Xaalada laguma xalin karo gacan ka hadal. Hinacyada oo dhan waa inay ka joogsaaan falalka gacan ka hadalka ah, sameeyaana dadaalo toos ah oo ay uga gudbayaan xaaladaas kuna xaliyaan farqiga u dhexeeyo wada hadal nabadeed iyo xal meel dhexaad ah.”

“AMISOM oo la tashaneyso bulshada caalamka waxay u joogtaa inay ku taakuleyso dhamaan dhinacyada sidii loo heli lahaa is fahan buuxo taasoo qeyb ka ah dadaaladeeda ay sare ugu qaadeyso nabada, amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu ku soo dhameeyay hadalkiisii.

Sidoo kale, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya (SRSG), Danjire Nicholas Kay, ayaa isaguna walaac ka muujiyay dagaal beeleedka ka socdo gobolka Shabeelada Hoose kaas oo sababay in tiro dad ah ay wax ku noqdaan.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaada ka socoto halkaas. Waa in dhinacyada arrintu khuseysana ay ka joogsadaan falalka dagaalka, ayna si dhakhso leh u sameeyaan dadaal ay ku daminayaan xaaladda, kuna xallinayaan khilaafkooda, ayagoo u maraayo si nabad iyo isu-tanaasul ku dheehantahay.” Sidaa ayuu yidhi Kay.

Waxaanu Nicholas Kay oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka uu sameeyay Ra’isul Wasaaraha, Cabdiweli Sheekh Axmed, kaas oo lagu daminaayo xasaradda halkaas ka taagan, laguna soo celinaayo xasiloonida. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in ay ixtiraamaan baaqa ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha, kaas oo dalbanayo in colaada si deg-deg ah loo joojiyo loona hogaansanaado wafdiga wasiirada ah ee loo diray Gobolkass.”

“Dadka Soomaaliyeed in ku fulan ayey soo dhibtoodeen waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aanay ka imaaneyn colaad iyo amni xumo hor leh oo hadda la galo. Waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano wixi dhexdhexaadin ah.” Sidaa ayuu yidhi Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay.

Wararka laga helayo Wararku waxay sheegayaan inay dadka rayidka ah bilaabeen inay ka qaxaan magaalada iyo dhulka ku hareereysan, cabsi ay ka qabaan inuu dagaalka dhib ka soo gaaro ayadoo ay wax ka badan 250 ruux gudaha ku barakeceen. Barakacayaashu hadda waxay magan-gelyo u galeen xarumaha AMISOM ee Ceel Jaalle iyo Marka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.