Xukuumadda Soomaaliya maxay ka tidhi dagaallada ka bilaabay meelo dalka ka tirsan?

Muqdisho(Aftahannews):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo maanta Shir-guddoominayey kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Shirkan ayaa Gudiyaddu waxay ku lafa gureen xaalada murugsan ee ka taagan gobolka Shabellada Hoose. Kadib markii ay xukuumaddu heshay xog sheegaysa in magaalada Marka ay saaka markale dagaalo ka dhaceen.

iyadoo laga jawaabayo xaaladaas deg dega ahna, waxaa xukuumaddu go’aansatay qodobadaan hoos ku qoran:

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2014, dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay joojiyaan xabadda iyo colaadda.

2. In si deg deg ah looga saaro dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan goobihii lagu diriray laguna wareejiyo ciidanka dowladda.

3. In mas’uuliyadda amni ee magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose ay si deg deg ah ula wareegaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.

4. Si loo fuliyo howshaas deg degga ah, waxaa magaalada Marka tagaya wafdi sare oo ay hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasiirka Gashaandhigga ahna sii haya Wasiirka Amniga Qaranka.

5. Waxaa laga dalbayaa Taliska Ciidamada AMISOM in ay gacan baaxad leh ka geystaan xabad joojinta iyo xasilinta amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolka shabeelada hoose nasiibo daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo colaado soo daashadeen.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey gobolka Sh/hoose maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, khilaafkana goggol nabadeed lagu xaliyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku wax-yeeloobeen dagaalkaas.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadn karin dhiig Soomaaliyeed oo sii daata, dagaalada hada socdana ay yihiin kuwo ay ka fa’iidaysanayaan codawga soomalaiyeed ee Alshabab.

“Xukuumaddu waxay aad ugu mashquulsan tahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dagaalkaan kusoo noq-noqonayey gobolka Sh/hoose” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo dhinaca kalana ka codsaday waxgaradka gobolka Shabellaha Hoose inay ka qeyb qaataan xal-u-helida dhibaatada gobolka ka jirta. DHAMMAAD.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.