Shir Maamulka la baxay Khaatumo uga furmay degmada Taleex ee Gobolka Sool

Taleex(Aftahannews):- Magaaladda Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay shirkii maamulka Khaatumo, kaddib markii uu halkaa gaaray Axadii shalay gudoomiyaha guddiga maamulka Khaatumo, Dr. Cali Ciise Cabdi, iyadoo isla waqtigaas lagu dhawaaqay inay soo dhamaadeed ergooyinkii shirka ka qayb-geli lahaa. Waxaana furitaanka shirka ku dhawaaqay madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel).

Waxaa madasha shirka ku sugnaa dadkii la filaayay inay goobta yimaadaan dad aad uga yar, iyadoo halkaas ay ka hadleen guddoomiyaha guddiga G10, Dr. Cali Ciise oo ka warbixiyey maamulka iyo muddadii uu jirey wixii u qabsoomay, isagoo tilmaamay inay nabaddu tahay mid loo baahan yahay in laga shaqeeyo.

Sidoo kale, madaxda dhaqanka oo uu ka mid yahay; Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa wuxuu sheegay inay guul ka joogaan maadaama shirku furmay.

Furitaanka shirkan ayaa imaanaya xilli kala qaybsanaan baahsan iyo colaado ay ka taagan yihiin deegaanno kala duwan oo ay ka mid tahay degmada Taleex oo uu laba daamood ah sida uu HOL u sheegay suxufi, Cismaan Cbadinuur Xaashi; isagoo intaas ku daray inay adag tahay inay isku duubnaadaan shacabka laba daamood ee magaaladaas.

Waxaa iyana shirka ka maqan madaxdii dhaqanka ee gobolka Nugaal oo ay ka mid yihiin, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku sugan degmada Xuddun isaga iyo cuqaal tobaneeyo ah oo xal-nabaeed ka baadi doonaya beelo colaad dhiig ku daatay dhex-martay, waxayna sheegeen in ay ceeb tahay in shirka la qabto iyadoo ay colaado taagan yihiin.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaan tegin Taleex, iyadoo cuqaalsha beesha uu matalana ay mid maahane ay inta kale ku sugan yihiin madasha shirku ka furmay.

Qaar ka mid ah bulshadu waxay qabaan inaan cidna loo joojin oo shirku socdo isla markaan wux uun laga soo saaro halka qaar kalena qabaan in shirku uu ahaado mid si ballaaran u furma oo laga hor mariyo nabadaynta beelaha qaar aanay imaan karin Taleex iyo kuwa wada degan Taleex ee hubka isu haysta.

Dhammaadkii sannadkii 201-kii ayaa shirkii u horreeyay uu ka dhacay degmada Taleex kaasoo ay qaban-qaabdiisa wadeen waxgarad iyo aqoonyahano, kuwaas oo kasbaday in bulshada degta gobolka Sool, Cayn oo deegaanka Buuhoodle ah iyo Koonfurta Ceerigaabo.

Lama saadaalin karo halka uu shirkani ku dambeyn doono iyadoo ay hor-taallo kalmada curyaamisa shirarka Soomaalida ee LOOMA DHAMA oo si toosa haatan uga muuqata bardaha Koonfurta Taleex.

Xigasho Hiiraan.com