Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ku soo laabtay, Muxuu Masar kala kulmay

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Caasimadda Muqdisho ku soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ku tegay safar laba maalmood qaatay, kaasoo uu kaga qaybgalay Caleemo-saarka Madaxweynaha Masar loo doortay Cabdifataax Al-Casiisi oo shalay la qabtay.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen wafdi ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu dalka Masar kula soo kulmay dhigiisa dalkaasi ee la doortay C/fitaax Al-Siisii, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku qotoma xiriirka labada waddan, halkaasoo ay sheegeen in si diirran loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo xubnaha Weftigiisa.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Burci Maxamed Xamza oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha, isagoo sheegay in dalka Masar Madaxweynaha si aad ah loogu soo dhaweeyay waxana  ay noo balanqaadeen dowladda Masar in ay taageereyso Soomaaliya kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha dalka dhigiisa dalka Masar.

Ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha Masar uu k qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya ay la yeelaneyso wadamada caalamka taa oo u muuqato mid horumar u ah bulshada Soomaaliyeed.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.