Bandhig-faneed lagu xoojinayo xidhiidhka Boorama iyo Mataanteeda Ingiriiska oo weli socda

London(Aftahannews):- Bandhig-fanneed dhowr maalmood socdaylaguna xoojinayo Xidhiidhka soo-jireenka ah ee ka magaalooyinka Boorama ee Somaliland iyo Henley ee dalka Ingiriiska oo la mataaneeyey 1982-kii, ayaa weli ka socda badhtamaha magaalada Henley oo ku taala duleedka Caasimadda Ingiriiska ee London.

HenleyBandhig-faneedka oo ay soo qaban-qaabiyeen Aqoonyahan iyo dhalinyaro u kala dhashay labada magaalo, laguna soo bandhigay far-shaxan, Agabka Dhaqanka, Far-shaxan iyo Suugaanta dhaqanka ee ay caanka ku yihiin shacabka Reer Boorama, ayaa todobaadkii u dambeeyey ka socotay magaaladaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.