Taliban oo sheegatay weerar laga fuliyey Garoonka Diyaaradaha ee Karachi

Talibaanka Pakistaan, ayaa sheegay inay weerarka ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi oo ku taalla Koonfurta dalka Pakistan, halkaasoo ay ku dhinteen labaatan iyo siddeed qof oo ay ku jiraan toban mintidiin ahi.

Garoonka diyaaradaha ee Karachi ayaa wali xiran weerarkii shalay kadib.

Weerarka oo bilaabmay Axaddii habeenimo,markiii niman hubaysan ay soo weerareen meesha loo isticmaalo xamuulka iyo diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa dhammaaday.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay garoonka la wareegeen subaxnimadii, laakiin ugu yaraan laba qarax ayaa la maqlay ciidamo dheeraad ahna waa la keenay. Masuuliyiinta ayaa sheegay in garoonka la furi doono saacadaha soo socda.

Xigasho BBCSomali.com.