“Dhagaxan is-hordhiga ama Derbiyo dhaadheer dhista, Daaqadahaa laga soo daadan ..” Xil: Buubaa

“Waxaannu idiin sheegaynaa Madaxtooyada ayaa Miidaan-taxriir noqon doonta, haddii aad qaban..” Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay Madaxtooyada Somaliland daaqadaha uga daadan doonaan, haddii aanay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo doorashada ku qaban waydo xilligeeda oo uu sheegay inay ku beegan tahay bisha June ee sannadka 2015-ka.

hqdefault

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka werwereegayso qabashada diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo diiwaangelinta cod-bixinta doorashooyinka Somaliland, waxaanu xusay in sababta ay Xukuumaddu uga werwereegayso qabashada diiwaangelinta labada weji ahi ay tahay mid ay ku doonayso dib-u-dhac ku yimaadda doorashada wakhtigeeda si ay muddada joogitaanka Madaxweyne Siilaanyo loogu kordhiyo.

Afthayeenka WADDANI oo ah Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Ibraahin Mahdi Buubbaa, waxa uu sidaa ku sheegay war uu maanta Saxaafadda ku siiiyey magaalada Hargeysa, isagoo Xukuumadda ugu baaqay inay qabato diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay inay wixii dhaqaale iyo farsamo kaga xidhan qabashadooda ay diyaar la yihiin dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera hirgelinta nidaamka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, balse ay Xukuumaddu ka caga-jiidayso.

“Muddadii loogu talo-galay doorashadu inay qabsoonto waxa ka hadhsan sannad oo bisha June ee 2015-ka waa inay qabsoontaa sida sharcigu dhigayo, waxaana jira caloolyow laga baqayo diiwaangelintii oo aan wali qaban inay doorashadu dib u dhacdo, waa wax qalbiga dadkoo dhan ku wada jirta. Waxase aannu sheegaynaa oo Xisbi ahaan meel nooga yaal muddo-kordhin inaanay xal u ahayn Qarankan. Waxaannu sheegaynaa habeen in lagu daraa inaanay dawo u noqonayn dalkan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI.

“Waxaannu leenahay waannu idiinka digaynaa inaad habeen dib uga dhacdaan xilligii loogu talo-galay inay diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu ka qabsoonto, waxaannu idiinka digeynaa inaad ku fikirtaan muddo-kordhin wax la yidhaahdo inaad ku fikirtaan, dalkani ma qaadi karo, diyaarna uma aha.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.

Waxaanu intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaannu idiin sheegaynaa in Miidaanul-taxriir Madaxtooyadu isu beddeli doonto, ama dhagaxan is-hordhiga ama Derbiyo dhaadheer dhista, daaqadahaa la isaga soo daadan doonaa, haddii lagu qaban waayo doorashada iyo diiwaangelinta wakhtigoodii, maanta mushtamaca reer Somaliland way ka daaleen muddo-kordhin hadday Madaxtooyo tahay iyo hadday Baarlamaan tahay, mid naba looma baahna in muddo-kordhin loo sameeyo.”

Xildhibaan Buubbaa waxa uu Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera diiwaangelinta, doorashada iyo arrimaha dimuquraaddiyadda, Madaxda Dhaqanka, Culimada, Ururrada Bulshada iyo qaybaha kala duwan ee Somaliland ay Xukuumadda cadaadis ku saaraan hirgelinta iyo qabashada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashadu aanay midina ka dib dhicin hal habeen wakhtigii sharciyan ay ahayd in la qabto.

Waa markii ugu horreysay ee Masuul ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo sidan oo kale hanjabaad Saxaafadda ugu mariyo Xukuumadda talada haysa ee Xisbiga KULMIYE ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo, waxaana soo kordhaysa cabsida Xisbiyada Mucaaridka ahi ka muujinayaan damaca Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ee ay ku sheegayaan inay rabaan muddo-kordhin.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.