Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil iyo Xadhig isugu jira ku dhawaaqday

Muqdisho(Aftahannews):-Maxakamada Derajada koowaad ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqday xukunno isugu jira dil iyo Xabsi Ciidan, xukunnadaas oo ay ku ridday dhalinyaro lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Askari ka tirsan Ciidanka dawladda, dembigaas oo Maxkamaddu sheegtay inuu ku caddaaday.

la-xukumayaalDSC03426

DSC03408 DSC03411 DSC03421 DSC03423 (1) DSC03423 DSC03424  DSC03439 DSC03444

Maxkamadda oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedkii loo haystay eedeysanayasha oo lagu eedeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab iyo in degmada Hodan ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qaateen qorigii uu watay, waxaana Maxkamadda lagu soo bandhigay Bistooladii ay wax ku dileen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka isugu jira dil iyo xabsi ciidan oo ay ku riday ilaa iyo shan eedeysane, kuwaasi oo uu ku sheegay Liibaan in lagu helay dambiga ay galeen.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan Xukun dil ah ku riday Shaafici iyo Xasan Salman oo dilay gabar ardayad ahayd oo la oran jiray Nafiso Cismaan Salaad, halka Haweeney lagu magacaabo Deeqo Diraac lagu xakumay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

 
 aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.