Maamulka Gal-mudug oo ka hadlay Ajaanib ay Budhcad-badeed ka sii-daayeen

Gaalkacyo(Aftahannews):- Masuuliyiinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug, ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay 11 ruux oo Ajaanib ah ka siidaayaan Koox Budhcad-badeedda Soomaalida ka mid ah oo muddo saddex sano ah afduub u haystay.

Bad-maaxayaasha ayaa u kala dhashay Koonfurta Asia iyo Iran, waxaana ay saarnaayeen markabka qaada Konteenarada oo la yiraahdo M.V. Albedo, mar laga afduubayay kun iyo shan boqol oo kiilomitir meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Masuuliyiin u hadlay Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inay ku guulaysteen sidii ay Budhcad-badeedda ugu qancin lahaayeen siidaynta 11 kaas qof ee Ajaanibka ahaa. Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa sheegay in Kenya loo qaaday markii la sii daayay ka dib 11 kaas qof.

Toddobo ka mid ah shaqaalaha Markabka ayaa laba sano ka hor la sii daayay markii lacag madaxfurasho la bixiyay, lix kalena way dhinteen.

Mid ka mid ah waa la toogtay halka qaar kalena ay badda ayaa liqday markii markabka uu quusay sanadkii hore xilli ay duufaan jirtay.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa in afartan qof ay wali haystaan burcad badeeda Soomaalida, markii ay ugu badnaayeen burcad badeeda Soomaalidu waxay qafaasheen oo gacantooda ku jiray in ka badan todoba boqol oo shaqaale markab ah iyo in ka badan sodon Markab.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliy/Office.