Markab Lagu Badbaadiyay Xeebaha Ku Teetsan Hobyo

Hobyo(Aftahannews):- Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa faah faahin ka bixiyay markabkaasi ay soo bad baadiyeen isagoo sheegay in qeylo dhaan ay soo dirsadeen, kaddib markii dabeylo xoogan ay la kulmeen, islamarkaana shidaalka uu ku yaraa.

“Waxaan si deg deg ugu dirnay ciidamo sida gaarka ah ugu tababaran arrimaha badda, islamarkaana wata doomaha dheereeya oo suura galin kara in ay soo badbaadiyaan dadka xaaladaha kale duwan ay ku qabsadaan badda, wayna soo badbaadiyeen oo hadda waxaa gacanta ku haya maamulka Ximan iyo Xeeb waxa ayna ku sugan yihiin degmada Hobyo ee gobolka Mudug”  ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka Maamulka Ximan.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji ayaa waxa uu sheegay in markabkaasi ay saarnaayeen 10 ruux oo ahaa shaqaalaha markabka kuwaa oo u kala dhashay 7-ruux oo Bakistaan ah, 2 ruux oo Hindi  ah halka midka kale uu u dhashay dalka Iiraan.

Xigasho RadioMuqdisho.