Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay Aaska Qaybe iyo weedhaha uu ka yidhi taariikhda Marxuumka

 Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida ku timi Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo saaka ku geeriyooday Hargeysa, waxaanu Madaxweynuhu Guddi heer Qaran ah u magacaabay qaban-qaabada Aaska Marxuumka.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland maanta, kaasoo qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.

qaybe

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Tacsida ka dib waxa uu Madaxweynuhu gudi heer qaran ah u saaray aaska marxuumka.

WAXAANAY KALA YIHIIN:-

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Guddoomiye)                     Hargeysa    

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka                                                            Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                                Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                            Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Beeraha                                                                    Hargeysa

Ku:      Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex                                                                  Hargeysa

Ku:      La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dawladaha Hoose                           Hargeysa                              

Ujeedo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

Mudanayaal.

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe). 

Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuumka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.