Werwer laga qabo Arday Dablay hubaysani ku qabsadeen Jaamacad ku taalla Ciraaq

Baqdaad(Aftahannews):- Ciidanka Booliska dalka Ciraaq, ayaa shaaca ka qaaday in Koox hubaysani ay xoog ku qabsadeen Jaamacad ku taalla Galbeedka Caasimadda dalkaas ee Baqdaad, waxaanay sheegeeen in dablayda hubaysani ay Jaamacadda dhexdeeda ku haystaan Arday fara badan.

0183A5F1-0BFC-4635-AA22-78C19FECB20E_w268_r1_cx0_cy10_cw0

Masuuliyiinta Ciidanka Ammaanka dalka Ciraaq, ayaa sheegaya in weerarka ay dablayda hubaysani ku qabsadeen Jaamacaddaas Sababtidii shalay, oo ay isku xeereen, isla markaana gudaha u galeen Jaamacadda Anbad ee ku taalla Ramadi oo ah Caasimadda gobolka Anbar. Waxaana laga werwersan yahay waxa ay ka yeeli doonaan Ardaydaas oo laga cabsi qabo in haddii la weeraro ay laayaan.

Booliska ayaa sheegaya in nimanka hubeysani ay laayeen Ciidankii ilaalada ahaa ee Jaamacadda oo isku dayayey inay ka horjoogsadaan Albaabka Jaamacadda, ka dibna ay sidaa ku galeen gudaha Jaamacadda. Inkasta oo ay intaas ku dareen in Ciidammada Ammaanku ay Kaamboolkaas xidheen, haddana weli umay suuragelin inay gudaha Jaamacadda ee ay Dablaydu Ardayda ku haysato gudaha u galaan. Waxay Ciidanku ka taxaddirayaan inay weerar toos ah ku qaadan, maaddaama oo laga baqa qabo inay Ardayda laayaan haddii la weeraro.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay Masuuliyadda weerarkaas lagu qasaday Jaamacadda Anbad, inkastoo kooxda loo yaqaanno Dowladda Islaamiga ah ee Ciraq iyo Shaam ay qaadeen weerarro badan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay oo ay ka fuliyeen dalkaas, iyaga oo mararka qaar qabsaday Tuulooyin ay ka saareen Ciidanka dawladda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.